‘Markuu guulaystay, waan dabaaldegay, waxaanan dadkii u qeybiyey Qaad iyo hilib,’ ayuu yidhi Mo walaalkiisa weyn Faysal.

0
569

 

CASIALAADHargasya ( Geeska )- Samsam Maxamed Cige oo hore ugu tirsanaan jirtay xisbiga Udub, ayaa daboolka ka qaaday inay gabi ahaanba xilkii xisbigaas ay u haysay iska casishay, waxaanay sheegtay in aanay kamid ahayn gudida warfaafinta ee uu dhawaan ku daray gudoomiyaha xisbiga Udub ahaana madaxweynii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.

 

Samsam oo xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, waxay sheegtay  intii xilkaas aan loo magacaabinba inay  iskaga tagtay xisbiga Udub, isla markaasna aanay imika gudidaas ka mid ahaayn, waxaany ugu baaqday gudoomiyaha xisbiga Udub in uu xubintaas uu magaceeda ku xusay ku bedelo cid kale.

Xisbiga Udub ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku jiray khilaaf weyn oo gudahiisa ah kaas oo laciifiyay hawlahiisa shaqo, isla markaasna wali aan loo helin mare.