Maraykanka Oo Xayiraad Dhanka Safarrada Ah Saaraya Siyaasiyiinta Soomaaliya, Haddii Doorashadu Dib U Dhacdo

0
348

USA (Geeska) – Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay qaado tallaabo kasta oo ka dhan ah dib u dhaca doorashada oo ay ku jiraan in ay xayiraad ku soo rogaan kuwa masuulka ka ah falalka wax u dhimaya hufaanka iyo geeddi socodka doorashada.

Afhayeenka Wasaaradda Aarrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in xayiraado dhanka Visaha ay kusoo roggi doonaan soomaaliya, haddii ay sii socoto dib u dhaca Doorashada.

“8 February waa sanad guuradii koowaad markii uu xilka ka dhamaaday Farmaajo, Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu qaado tallaab walba oo ay ku jiraan xayiraada Visaha, si ay uga jawaabto dib u dhaca dheeraadka ama falalka wax u dhimaya hufnaanta Geeddi socodka doorashada” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda A. Dibadda Mareykanka Ned Price.

Dhinaca kale, Safaaradda Maraykanka  ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya in ay hannaanka doorashada ku soo gabagabeeyaan marka la gaadho 25ka February, sida lagu heshiiyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Safaaradda maraykanka ayaa sheegtay in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara  horusocodka dooraahada  iyo in ciidamada ammaanku  ay dhexdhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada.

Khilaafka doorashada ayaa keenay dib u dhac muddo hal sano ah, waxaana hadda lagu heshiiyay in 25 ka February lagu soo gabagabeeyo doorashada.

 

Geeska.net/Hargeisa Office