Dhallinyaro Qaarkood Muddo 2 Sano Ah Ku Xidhnaayeen Liibiya Oo Shalay Somaliland Dib Loogu Soo Celiyay Iyo Dardaaranka Loo Jeediyey

0
360

Hargeysa (Geeska) – Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Shalay lagu soo dhaweeyay 42 Dhallinyaro reer Somaliland ah, kuwaasi oo Muddo ku xidhnaa Dalka Liibiya.

Dhallinyaradan oo soo celintooda ay ka wada shaqeeyeen Dawladda Somaliland iyo Hay’adda Mujaahiriinta u qaabilsan Qaramada ee Magaceeda soo gaabiyo IOM, ayaa waxa diyaarad ay keentay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda Hay’adda Baracayaasha Qaranka iyo Ehelkoodu.

Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahiyey sidii Dhallinyarada Tahriibayaasha ahi dalka ugu soo laabteen, waxaanu yidhi  “Waa dhallinyaradii reer Somaliland ee laga soo celiyey Dalka Liibiya, waxa la socda 5 dhallinyaro ah oo Kililka Shanaad ah, kuwaasi oo aanu isku si u qaabilnay, Waayo? halkani waa marinka ugu dhaw ee ay mari karaan.”

Xinif waxa kale oo uu sheegay “Soo celinta dhallinyaradan waxa Gacanta ugu weyn leh Hay’adda IOM, waxaana Xalay (habeen hore) laga soo qaaday Waddanka Liibiya. Waxaanu leenahay dhallinyarada waddankiinii baad timaadeen, kuwii idinka soo horreeyay ayaad waraysan doontaan Maanta nolosha iyo sharafta ay ku nool yihiin, sida wax loogu qabtay iyo Ganacsato wada yihiin Maanta.” Ayuu yidhi.

Sidaasi oo kale, Dhallinyaro u dhalatay Dalka Soomaaliya ayaa shalay waxay Hay’adda IOM ka dejisay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo laftoodana laga soo qaaday Dalka Liibiya.

Dhallinyarada Hargeysa la keenay qaarkood, ayaa Liibiya ku xidhnaa muddo 2 sanadood ah, ka dib markii ay Tahriib ku tageen, iyagoo doonayey inay uga sii gudbaan dhinaca Qaaradda Yurub.

 

Geeska.net/Hargeisa Office