Maraykanka Oo Soo Dhoweeyey Xidhiidhka Somaliland & Taiwan, Labada Dal Oo Ka Hadlay Iyo Shiinaha Oo Qaaday Tallaabooyin Uu Kaga Jawaabayo Saaxiibtinimadaas

0
810

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Maraykanka ayaa soo dhoweysay xidhiidhka diblumaasiyadeed ee dhowaan u bilowday Taiwan iyo Somaliland, waxa aanay ku tilmaamtay tallaabo baahi weyn loo qabay gaar ahaan dhinaca Isu kaashiga wax ka qabashada arrimaha bulshada.

Golaha ammniga qaranka ee dalka Maraykanka ayaa farriin uu ku faafiyey bartiisa twitter ka waxa uu arrin ‘Weyn’ ku tilmaamay in uu arkay Taiwan oo sii kordhisay ku luglahaanshiyaheeda Bariga Afrika, gaar ahaan xilligan oo baahi weyn loo qabo arrintaas. Sida uu golaha ammaanka qaranka ee Maraykanku hadalkiisa u dhigay.

Goluhu waxa uu dalka Taiwan ku ammaanay in uu yahay jaal weyn oo ah dhinacyada caafimaadka, Waxbarashada, caawimada farsamada gacanta iyo arrimo kale.

Dalalka Taiwan iyo Somaliland ayaa iyaguna soo dhoweeyey hadadlka ka soo baxay Maraykanka oo ay labada wasaaradood ee arrimaha dibaddu si dhaqso ah uga dareen celiyeen. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa hadal ay barteeda Twitter ka ku faafisay waxa ay ku sheegtay in ay si dhab ah ugu diirsatay in dalka Maraykanku uu ku qiray in Taiwan ay tahay jaalka barwaaqada isla markaana tilmaamay dhinacyo badan oo kale oo ay gacan ka geysan karto. Wasaaraddu waxa ay sheegtay in Taiwan ay ka go’antahay sii kobcinta horumar waara oo ka hirgala Bariga Afrika iyo guud ahaan dunida.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa iyaduna dhinaceeda bogaadisay taageerada Maraykanku u muujiyey xidhiidhka cusub ee ay la samaysatay Taiwan. Waxa aanay sheegtay in Somaliland iyo Maraykanku ay wadaagaan qiyab iyo dano badan oo isku mid ah. iyo in labaduba ay astaan u yihiin nabadgelyada, dimuqraadiyadda iyo suuqa xorta ah. Waxa ay wasaaraddu sheegtay in Maraykanka iyo Somaliland ay wadaagaan dalal ay labaduba xulafo dhow la yihiin.

Hadalkan uu Maraykanku ku soo dhoweeyey xidhiidhka cusub ee Taiwan iyo Somaliland ayaa yimi xilli isla toddobaadkan ay dawladda Shiinuhu si adag u dhaliishay xidhiidhkaas, iyada oo Taiwan ku eedaysay in ay ku kacday tallaabo ka dhan ah qarannimada Soomaaliya.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Maraykanka ee Associated Press, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadayo xidhiidhka uu la leeyahay dawladda Soomaaliya, isla markaana waxa uu Taiwan ku eedeeyey in ay wiiqayso qarannimada iyo midnimada Soomaaliya. Sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenkan oo lagu magacaabo Zhao Lijian ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayey waxa uu intaas ku daray in dalka China uu si adag uga soo horjeedo in xafiis rasmi ah ama wax xidhiidh isdhaafsi dawladnimo oo rasmi ahi dhex maro Somaliland iyo Taiwan.

Isla toddobaadkii hore ayaa dawladda Shiinuhu ay dhoollatus milateri ka samaysay gacanka cadmeed oo aan ka fogeyn biyaha Somaliland ee badda cas. Sida uu ku warramay talefishanka afka dawladda Shiinaha ku hadla ee CCTV saddex ka mid ah maraakiibta dagaalka ee dalka Shiinaha ayaa badda cas ee gacanka cadmeed ka sameeyey tababar ay ku tijaabinayaan cududdooda ay kaga hortegi karaan khataraha amniga ee tirade badan, iyo gudashada waajibaadkooda hawlgallada milateri ee kala duwan.

Inkasta oo aanay dawladda Shiinuhu si rasmi ah isugu xidhin, haddana dadka ka faallooda arrimaha diblumaasiyadda ayaa dhoollatuska Shiinaha ku macneeyey fal uu ku muujinayo cadhadhiisa xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan.

Taiwan ayaa xidhiidh diblumaasiyadeed la abuurtay Somaliland. Xidhiidhkaas oo lagu tilmaamay mid labada dhinacba guul weyn u ah ayaa abuuray cadho uu qarsan kari waayey safiirka Shiinaha ee Muqdisho oo kulan degdeg ah arrintaas kala yeeshay madaxweynaha dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Cadaadiska diblumaasiyadeed ee Shiinuhu uu ku hayo madaxbannaanida Taiwan ayaa sababay in ay xidhiidh diblumaasiyadeed la yeelato keliya 15 dal oo adduunka ka mid ah iyada oo ay dib uga noqdeen dalal badan oo hore u aqoonsaday, iyo in laga reebo xubinnimada Qaramada Midoobey iyo ururrada kale ee caalamiga ah oo Shiinuhu uu xubinnimo muhiim ah ku leeyahay.

Shiinuhu waxa uu ku andacoonayaa in Taiwan ay dhulkiisa ka mid tahay, waxa aanu ku hanjabaa in xitaa haddii ay ka fursan weydo uu cudud milateri u adeegsan doono sidii uu dib ugu soo celin lahaa midnimada Shiinaha. Laakiin sida ay rayi ururino tiro badani ka marag kaceen dadka reer Taiwan si adag oo aqlabiyad weyn ah ayaa ay uga soo horjeedaan in ay la midoobaan Shiinaha.