Maraykanka Oo Rajaynaya In 9 Bilood Ka Dib Ay Heshiis Gaadhaan Falastiin Iyo Israa’iil

0
4484

Picture2Washington (Geeska) – Xoghayaha Arrimaha Dibada ee dalka Maraykanka Mr John Kerry oo shir jaraa’id ku qabtay Washington ayaa sheegay in wafuud ka kala socotay Falastiin iyo Isra’iil ay meel isla dhigeen in wadahadalka Bariga Dhexe uu socdo 9ka bilood oo soo socda, iyadoo heshiis la doonayo in laga gaadho qodobbada ugu muhiimsan oo ay labada dhinac isku heystaan.

Labada toddobaad ee soo socda ayey Falastiiniyiinta iyo Isra’iil yeelan doonaan kulankooda labaad iyadoo la sheegay in labada dhinac ay ka doodi doonaan dhammaan qodobbada xasaasiga ah oo ay sida weyn labada dhinac isugu khilaafsan yihiin, waxaana qodobada ugu muhiimsan ay yihiin:

– Qaxootiga Falastiin ee 5ta milyan gaadhaya in loo ogolaado dalkooda inay ku soo noqdaan

– Bariga magaalada Qudus inay caasimad u noqoto dowladda Falastiin

– In Isra’iil ay ka baxdo dhulkii ay qabsatay wixii ka danbeeyey dagaalkii 1967-kii

– Joojinta dhul boobka ay Isra’iil ay ku wado dhulka falastiin

Ma cadda in 9 bilood kadib heshiis ah la gaadhi doono sida uu rabo John Kerry, maadaama labad dhinac ay si weyn u kala fog yihiin aragtidooda, waxaase lagu tilmaamay dadaalkan cusub ee Maraykanka inuu yahay midkii ugu balaadhnaa oo uu wadankaasi u galo inuu mar kale miiska wadahadalka soo wada fadhiisiyo Falastiiniyiinta iyo Isra’iil.