Maraykanka Oo Qirtay Inuu Fuliyay Weerar Lagu Qaaday Deegaanka Aw-Dheegle Ee Somaliya

0
511

Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadiisa iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay weerareen saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

2

Sarkaal Mareykan ah ayaa VOA u xaqiijiyey in howlgalkan oo habeen hore dhacay uu ahaa howl-gal lagu beegsanayey Al-Shabaab oo Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashadeen.
 
Maxamed Aweys Abuukar oo ah guddoomiyaha dowladda Soomaaliya ugu magacaaban Awdheegle ayaa sheegay in diyaarado qumaatiga ukaca ay qiyaastii 60 illaa 70 askar ay ku daadayeen deegaanka.

Waxa uu sheegay in ciidamadaas ay weeraren saddex saldhig oo ku yaalla magaalada, ayna khasaare xooggan gaarsiiyeen mintidiinta.

Afhayeenka arrimaha ciidamada ee al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegey in koox ajnebi ah oo watey laba diyaaradood ay soo weerareen habeen hore degmada Awdheegle, halkaas oo ay dagaal kula galeen ciidan ka tirsan al-Shabaab.

Afhayeenka al-Shabaab ayaa sheegay in kooxda soo weerartey ay gudaha u galeen Aw-dheegle, halkaasna ay kala kulmeen dagaal qaatey muddo saacad ku dhaw.