Maraykanka Oo Diiday In Ururka Akhwaanul- Muslimiin Argagaxiso Lagu Sheego Iyo Sababta

0
746

Washington (Geeska)- Wafti ka kooban 14 xildhibaan oo baarlamanka Masar ka tirsan ayaa ku fashilmay in ay golaha Kongareeska Maraykanka ku qanciyaan in ururka Akhwaanul-muslimiinta lagu daro liiska ururrada argagaxisada uu Maraykanku u aqoonsan yahay. Masar ayaa xildhibaannadan u dirtay Maraykanka iyada oo daba socota ballanqaad uu hore madaxweynaha Maraykanku xilligii uu ol’olaha doorashada ku jiray ku sheegay in uu Akhwaanka argagaxiso u aqoonsan doona. laakiin faro madhanaan ayaa ay Maraykanka kala soo noqdeen kadib markii ay golaha Kongareeska oo Guriga Cad waraystay uu arrintaas ka gaws-adaygay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson oo isaguna ka hadlay aragtida maamulka uu ka tirsan yahay ee ururka Akhwaanka ayaa ku dooday in Akhwaanka oo dhammaantii lagu calaamadiyo liiska argagaxisadu ay dhibta imika jirta uun sii murgin doonto, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Akhwaanka oo tirada xubnaha ka tirsani gaadhayso Malaayiin qof, ayaa iyagu gudahooda isu kala saaray qaybo. Qaybo ka mid ahina waxa ay dalalkooda ka hayaan xilal dawladeed oo rasmi ah.”

Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka oo ay su’aalo weydiisay guddida xidhiidhka caalamiga ah ee golaha wakiillada Maraykanka ayaa waxa uu intaas ku sii daray, “Tiro ka mid ah ururro hoosaadyada Akhwaanka, ayaa weli wada falal cadaawadeed iyo argagaxin, kuwaas ayaana lagu daray liiska” Wasiirka oo aaminsan in sida saxda ahi tahay in la kala saaro ururka Akhwaanka oo hay’adihiisa iyo ururradiisa ama laamihiisa qaarkood lagu tilmaami karo argagaxiso, waxa kale oo uu qiray in ay jiraan masuuliyiin iyo ururro ka tirsan Akhwaanka oo aan lagu sheegi karin, isaga oo arrintan dambe sii faahfaahinayana waxa uu wasiir Tillerson yidhi, “Tiro masuuliyiinta waaweyn ee Akhwaanka ka mid ah ayaa madax ka noqday xukuumadaha dalalkooda ka jira” wasiirka oo arrintan sii caddaynaya ayaa tusaale u soo qaatay dalalka Baxrayn iyo Turkiga oo labadaba ay masuuliyiin xisbigan ka tirsani hoggaamiyeen.

Waxa aanu halkaas kala soo baxay in ururka Akhwaanka oo liiska argagaxisada lagu daraa ay arrinta sii murgin doonto oo dawlado badan oo Maraykanku uu xidhiidh la leeyahay la xidhiidhistoodu sharci ahaan ku adkaan doonto, haddii Maraykanku u aqoonsado ururro argagaxiso. Waxa se uu sheegay in masuuliyiinta Akhwaanka ah ee dawladahaas uu sheegay hoggaaminayaa ay qudhoodu ka soo horjeedaan argagaxisda, isaga oo arrimahaas ka sii hadlayana waxa uu yidhi, “Shakhsiyaadkaasi waxa ay cambaaraynayaan oo iska fogeeyeen argagaxisada, sidaa awgeed, in aynu Akhwaanka si guud ugu wada aragno in uu wada yahay argagaxiso, inata oo taas ka duulaynana ku darno liiska, waxa ay sii adkaynaysaa arrimaha jira. Sidaa awgeed waxa aan idinku odhan karaa, waa aanu la soconaynaa Akhwaanka, dib u eegisna waanu ku samaynaynaa arrintooda, waayo dawlado kale ayaa iyaguna isla mawduucan nala wada”

Warar ka agdhowaa waftiga Masaarida ee weji gabaxa kala kulmay qorshihii ay u socdeen ayaa sheegaya in xildhibaannadani aanay ku socon qorshe ka yimid golaha ay ka tirsan yihin, balse ay ahaayeen wafti ku socday talada iyo igmashada hay’adaha ammaanka ee Masar.