Maraykanka Oo Dhawr Sannadood Ka Dib Hargeysa U Soo Diray Weftigii Ugu Cuslaa

1
646

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Maraykanka ayaa markii u horaysay dhawrkii sannadood ee u dambeeyay, waxa ay wefti culus u soo dirtay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Weftigan oo ka kooban dhawr xubnood waxa hoggaaminaya safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Stephen Schwartz, waxaanay shalay soo gaadheen magaalada Hargeysa.

 Ujeedada safarkooda, inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu Maraykanku ka soo saaray, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in ujeedada u weyni tahay inay culays ku saaraan dhinacyada ay khusayso sidii aanay doorashada madaxtooyadu mar dambe dib uga dhacdeen bisha November ee loo qorsheeyay, waxaanay xalay bilaabeen kulamo ay la yeesheen xisbiyada siyaasadda oo ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo waxyaabaha u baahan in la xoojiyo si aanay doorashadu mar dambe dib ugu dhicin. Kulanka xisbiyada iyo weftiga Maraykanka oo ahaa mid wada jir ah waxa KULMIYE uga qayb galay murashaxa iyo guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, UCID waxa uga qayb galay Murashaxa iyo guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, halka uu Waddani uga qayb galay xoghayaha arrimaha dibadda Waddani Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

Waxa kale oo uu warku sheegay in weftiga Maraykanka ahi kulan la yeesheen guddiga doorashooyinka oo ay iyagana kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sidii looga wada shaqayn lahaa qabsoomida doorashada madaxtooyada.

Geesta kale, weftigan ayaa sidoo kale waxay dawladda lafteeda kala hadli doonaan dhaawaca Somaliland soo gaadhaya haddii doorashadu mar dambe dib uga dhacdo bisha November, iyadoo la ogyahay saamaynta ay Somaliland ku yeelatay dib u dhaca doorashooyinkii hore, waxaana la filayaa inay kulan la yeesheen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Geesta kale, socdaalka weftigan ayaa muujinaya bidhaan ah in Maraykanku doonayo inuu ka qayb qaato sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd wakhtigeeda, xilli ay saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland ka niyad jabeen geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

 

Comments are closed.