Maraykanka: Loolanka Wejiga Hore Ee Murashixiinta Xisbiyada Jamhuuriyga Iyo Dimuqraadiga

0
545

Hillary Clinton oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga iyo Donald Trump oo ka tirsan xisbiga Republican  ayaa ku guulaystay gobolada intooda badan maalintii ugu waynayd ee loo tartamayay musharaxnimada madaxweynenimada Maraykanka.

1

Xisbiga Jamhuuriga ayaa waxay guusha ugu weyn raacday murashaxa maalqabeenka ah ee Donald Trump oo ku guuleystay inta badan cododka illaa 7 gobal oo ay ku jiraan; Alabama, Georgia, Tennessee, Virginia, Massachusetts, Vermont iyo Arkansas.

Waxaa kaalinta labaad xisbiga Jamhuuriga ka galay Murashax Senator Ted Cruz oo ku guuleystay labo gobal oo kala ah Texas iyo Oklahoma.

Murashaxa sadexaad Senator Marco Rubio ayaa ku guuleystay gobalka Minnesota.

Dhinaca kale xisbiga Dimuquraadiga ayaa loolankiisa ahaa mid aad u kulul oo ay ku loolamayeen Xoghayihii hore ee arrimaha Dibada Mrs.Hillary Clinton iyo Senator Bernie Sanders.

Hillary Clinton ayaa ku guuleysatay inta badan codbixintii ka dhacday gobalada Koonfurta Maraykanka iyadoo taageero baaxadleh ka heshay Madowga Maraykanka iyo Latinka waxayna ku guuleystay gobalada kala ah; Texas, Alabama, Arkansas, Massachusetts, Tennessee, Georgia iyo Virginia.

Murashaxa Senator Bernie Sanders ayaa ku guuleystay isaguna gobalada Vermont, Colorado, Oklahoma iyo Minnesota oo ah gobalka Soomaalida ku badan tahay.

Tirada Ergada

Dhamaan murashaxiintan ayaa cododka ay heleen loo qeybinayaa inta Ergo oo ay ka helayaan gobal walba oo ay ku guuleysteen kuwaasi ugu danbeyn la isu geyn doono cida ugu ergo badan ayaa noqon doonta Murashaxa rasmiga ah ee xisbigaasi. Haddii dhamaan murashaxiinta waayaan codod ku filan markaasi ayuu bilaabanayaa isbaheysiga murashaxiinta qaarkooda illaa laga helo ergo ku filan murashaxa rasmiga ah.

Xisbiga Dimuquraadiga ayaa murashaxa rasmiga ah looga baahan yahay inuu helo ergo gaadheysa 2,383. Waxaa weli hadhay gobalo badan, iyadoona gobalada ay kala ergo badan yihiin xisbi walba.

Geesta kale xili uu meel adag marayo tartanka u dhaxeeya murashaxiinta Madaxweynaha Maraykanka ayaa Hillary Clinton oo ah murashaxada hogaaminaysa xisbiga Dimuquraadiga ay si kadis ah ugu kulmeen goob makhaayad ah gabadh madow oo sheegtay inay Soomaalida u hadleyso oo kaganaxsatay su’aal ay si weyn u dhibsatay.

Gabadhan ayaa su’aasha ay weydiisay la xidhiidhay  Hillary Clinton inay sheegto waxa ay u qabatay dadka Madow, iyadoona soo qaadatay sharcigii la dagaalanka budhcada Maraykanka ee uu hirgeliyey saygeeda Bill Clinton oo ah mid dhaawac weyn u geystay dhalinta Madow ee dalka Maraykanka oo ah kuwa ugu badan ee xabsiyada Maraykanka ku jira.

Hillary Clinton oo xiligan olole ugu jirta helida cododka Dadka madow ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay su’aalo adag kala kulmeysa dadka madow oo dhaliilaya in taariikhdeeda Siyaasadeed ee hore aanay waxna usoo qaban shacabka Madow, isla markaana ayba horseed u ahayd siyaasiyiintii u ololeyn jiray sharuuc badan oo dhaawac u geystay dadka madow.

Gabadhan ayaa sheegtay in Soomaalida ay kamid yihiin dadka Madow ee Maraykanka ee dhibaatada baaxadaleh kala kulma ciidamada Booliiska waxa uga qorsheysan Hillary Clinton.

Mrs.Clinton ayaa sheegtay inay taageero badan ka heysato dadka Madow iyo waliba Soomaalida ayaa sheegtay inay wax badan u qaban doonto dadkaasi, iyadoona ku faantay in ay taageero ka heysato Xildhibaanka Soomaaliyeed ee ku jira golaha deegaanka ee Minneapolis. Balse gabadhaasi ayaa beenisay in Hillary Clinton wax taageero ah ka heysato dadka madow iyo waliba Soomaalida.