Maraykanka Iyo Ruushka Oo Isku Seegan Qaddiyadda Suuriya

0
539

Waxaa jira calaamado muujinaya in ay sii kordhayso xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ee arrinta Suuriya, kaddib afar maalmood markii ay dalkaasi ka dhaqangashay xabbad joojin dalka oo dhan ah.

1

Moscow ayaa ka digtay inay dib u bilaabi doonto duqeymaha cirka ah ee ay ku hayso kooxaha fallaagada ah ee "quryar socodka ah" haddii aanay Washington sameyn wax badan oo ay uga fogaynayso kooxaha xagjirka ah.

Mareykanku laf ahaantiisa waxa uu walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid gargaarka bini'aadamnimo ee la gaadhsiin lahaa magaalada Xalab iyo deegaanada kale ee go'doonsan.

Sidoo kale waxaa la soo tabinayaa in ciidammada dowladda Suuriya iyo kuwa fallaagada ay ku xadgudbeen xabbad joojinta.

Haddii xabbad joojinta ay sii socoto muddo todoba maalmood ah, Mareykanka iyo Ruushka ayaa waxa ay isla garteen inay wadajir u weerraraan kooxda Jabhat Fateh al-Shaam, taasi oo hore loo odhan jiray al-Nusra Front, iyo kooxda isugu yeedha Dowladda Islaamiga ah.

Jimcihii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa khadka taleefanka uga wada xaajooday dhibaatada Suuriya.

Mr Kerry ayaa uga digay Moscow in howlgalka milateri ee Mareykanka iyo Ruushka ay wadajirka u qorsheeyeen uusan dhici doonin ilaa gargaarka bini'aadamnimo uu ka gaarayo gudaha Suuriya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ay weli sugayso in loo ogolaado sidii ay gargaar ku gaadhsiin lahaayeen magaalada go'doonsan ee Xalab.

20 gaadhi oo ah nooca xamuulka qaada ayaa tan iyo Isniintii sugaya marin ammaan ah oo ay kaga gudbaan Turkiga oo ay ku gaaraan Bariga Xalab ee ay fallaagada Suuriya maamusho.