“Mar Dambe, Isuma Soo Sharaxayo Golaha Wakiilad”

0
1015

Guddoomiyaha golaha wakiilada

Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aanu dib isugu soo sharaxayn golaha wakiilada, isla markaasna muddo xileedka 13-ka sanadood ah ee uu fadhiyay ay ku filantahay.

Waxa uu sida oo kale Baashe Maxamed Faarax soo dhaweeyay in golahooda uu badalo gole cusub, waxaanu mudo kordinta haatan ku tilmaamay mid duruufi ay keentay. Guddoomiye Baashe oo ugu horayntii ka hadlaayay mudada loo kordhiyay waxa uu yidhi“Markii komishanku soo qoray in aan laga gaadhsiinayan bisha saddexaad doorashadii golaha wakiilada, madaxweynuu waad ogaydeen oo araaq ayuu guurtida u soo qoray oo waxa uu yidhi waajibaadkiinii ka guta waana sharci,saddexda xisbiba waxay isla qaateen In mudadii la kordhiyo  2019-kana aanay dhaafin, awalba marnaba  cid noo kordhiya maanu odhan jirin  waxa weeye duruufaha ayaa  iman jiray , markaas aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa in isbedal yimaado  oo dad cusub yimaadaan o gole cusubi soo galo , markaas aad iyo aad ayaan u hanbalyaynayaa  golaha guurtida inay mudo kordhinta sameeyeen.”

Baashe Maxamed Faarax oo la waydiiyay inuu dib golahaas ugu ordi doono waxa uu yidhi“maya, aniga  way igu filantahay 13 sanadood  ayaan joogay , markaas hami danbe oo aan golaha ugu tartamo ma jiiro.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here