Borama(Geeska)-Maleeshiyaadka hubaysan ee uu hoggaamiyo Suldaan Wabar, ayaa mar kale shalay weerar ku soo qaaday magaalada Qulu-jeed ee gobalka Awdal oo ay ku sugnaayeen ciidanka qaranka Somaliland.
Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in maleeshiyaadka oo ka koobnaa 20 nin oo hubaysan ay magaalada si kedis ah ku soo galeen ka dibna ay rasaas ku fureen goob ay ciidanka qaranka ku tuhmayeen, waxaana ciidanka qaranka ka dhaawacmay hal askari. Ciidanka qaranka oo ka jawaabay weerarkaas maleeshiyaadka ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah kooxda hubaysan oo magaciisa lagu sheegay Ina Cilmi Dhuub.
Magaalada Qulu-jeed ayaa laga dareemay shalay degenaansho la’aan inkastoo ay markii dambe ciidanka qaranku baacsadeen kooxdaas hubaysan.
Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland ayaan wax war ah ka soo saarin weerarka kooxdan iyo weliba weeraradii kale ee ka horeeyay.