Burco (Geeska)-Chief Caaqil Xasan Xaaji Maxamed (Dhuuxyare) oo ah chief caaqilka (Axmed Faarax), beel ka mid ah beelaha Barriga Burco ayaa cadeeyey inay nabad qabaan lana xidhiidhay afar nin oo shalay galab maleeshiyo afar gaadhi wadatay ku afduubeen deegaanka Cumar Aji ee Sool-joogto, xilligana lagu hayo gudaha Buuhoodle, waanwaantii soo deyntooduna socoto.
Wargeyska Geeska Afrika oo khadka Telefoonka kala xidhiidhay Chief Caaqil Xasan Dhuuxyare, oo jooga Burco ayaa sheegay inay xidhiidh la yeesheen Saleebaan Ciise Axmed ( Xagla-toosiye) una sheegay inay ka sugayaan in qoyskii nimankaa soo afduubay ay xal gudahooda ah ku soo daayaan raggaas oo la sheegay inay xoolo la joogeen.
Chief Caaqil Xasan X. Maxamed (Dhuux-yare) oo ugu horeyn wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey waxa ka jira rag la sheegay in lagu afduubay deegaan u dhow Buuhoodle ayaa sheegay, “Afar nin ayaa lagu afduubay jiida la yidhaahdo Cumar Aji, oo u dhexeysa Sool-joogto iyo Buuhoodle, iyagoo geel la jooga ayaa weerar afar gaadhi maleeshiyo wadata ku soo qaadeen, waxaanay la tageen Buuhoodle.”
Mar aanu weydiinay magacyada afartaa nin ayuu Chief Caaqil Xasan Dhuuxyare yidhi, “Waxay kala yihiin, Xuseen Axmed Carab, Khadar Xuseen Caydiid, Maxamed Axmed Caydiid iyo Cabdi Saleebaan Adan.”
Waxa la weydiiyay inay xidhiidh la sameeyeen iyo inay nool yihiin ragii la afduubay waxuu ku jawaabay, “Haa, waanu la samaynay, kuwii qafaashay oo telefoonadooda hayey ayaan la hadalnay, oo nidhi ragii hadday nool yihiin telefoonka noogu dhiiba, afarta nin ka mid ah ayaan la hadlay, waxaanu noo sheegay in afartoodii nolol ku sugan yihiin, inkastoo mid ka mid ah dhaawac jug ah gacan ka soo gaadhay, waxaanay sheegeen in maxaabiis ahaan immika ay u joogaan,”
Chief Caaqil Xasan Dhuux-yare oo aanu weydiinay waxa ka jira in niman doonayey soo-deynta Jaamac Kuutiye oo ah nin arrimo argagixiso ugu xidhan jeelasha Somaliland, ay ka danbeeyeen falka afduubka ayaa wuxuu yidhi, “Arrintaasi sidaa ayey u dhigan tahay, waxaanan maqalay in nimankaasi uu watay nin Jaamac Kuutiye ay walaalo yihiin oo Madaxay la yidhaahdo, falka loo afduubayna sidaa yahay,”
Mar aanu weydiinay inay wax xidhiidh ah la sameeyeen Saleebaan Xagla-toosiye, oo dhowaan heshiis nabadeed la gaadhay xukuumada Somaliland, ayuu sheegay, “Haa, waanu la yeelanay xidhiidh oo saleebaan Xagla-toosiye, isagaa nala soo xidhiidhay, waxaanu noo sheegay inuu ku tallo-galay inuu ku saaro ciidamadiisa jiida ay ka xigaan dadkaa la soo qafaashay ee dhibaatada loo geystay, balse waxuu sheegay in qabaa’ilkii nimanka soo afduubtay raga ay ka codsadeen inuu ka war sugo, waxaanu u qabtay caawa (Xalay) kowda habeenimo, intaan la kala seexan war sugan ka helo,’
Ugu danbayn, Chief Caaqil xasan Dhuux-yare oo aanu weydiinay inay wax xidhiidh ah kala sameeyeen xukuumada Somaliland dhacdadan ama xukuumadu kala soo xidhiidhay, ayaa sheegay, “ Xukuumada wax xidhiidh ah oo ay nagala soo samaysay ma jirto, annaguna wax xidhiidh ah oo aanu u gudbiyan ma jirto.”