Hargeysa(Geeska)- Xildhibaan Aadan Muxumad Hoori (Mataan-Al-Humaami), oo ka tirsan xildhaanada golaha wakiilada Somaliland, kana mid ah masuuliyiinta sarsare ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si weyn u soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacada Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri, isaga oo Xildhibaanku kula taliyay in uu ka shidaal qaato Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof, Saleeban Axmed Guuleed.
Xildhibaanka oo u waramayay Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay), waxa uu yidhi,
''Mar hadii la igu yaqaanay in aan ka mid ahay xisbiga mucaaridka ah, maaha in aanu u taaganahay in aanu wax walba mucaaridno, waxaan aad ugu faraxsanahay oo aan si weyn u soo dhawaynayaa una hambalyaynayaa maamulka cusub ee Jaamacada Hargeysa loo magacaabay, khaasatan Guddoomiyaha cusub ee Jaamacada Hargeysa, Mahdi Cismaan Buuri, oo ah masuul aan ku ogahay aqoon maamul, aqoon wadaniyadeed, iyo daacadnimo, Run ahaantii waa nin masuul ah oo aan aad ugu kalsoonahay in uu waxyaabo badan oo horumar ah uu ka qaban doono Jaamacada. Qof kasta oo masuul ah waxa lagu qiimeeyo waxa ugu muhiimsan wixii uu hadba ka qabto adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, sidaa daradeed, Guddoomiye Mahdi Cismaan Buuri, waxa uu taariikh fiican oo dhinaca waxqabadka ah uu hore uga soo muujiyay mudaddii dheerayd ee uu ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somaliland, waxaanu ka soo qabtay Waxyaabo aanay soo qaban dhowr Wasiir oo Wasaaradda ugu yimi, waxaanu ahaa maskaxda wada Wasaaraddaa, sidaa awgeed, Mahdi Cismaan Buuri, waxa maanta gacanta loo geliyay oo masuul looga dhigay Jaamacada Hargeysa, oo ah qeybtii ugu ballaadhnayd ee ugu qiimaha badnayd ee ugu saraysay ee waxtarka u ahayd adeegyda bulshada, oo ah waxbarashada, waxaan ku kalsoonahay in sidii uu uga baxay xilkii Wasaaradda caafimaadka, uu si ka wanaagsan uga soo dhalaali doono xilkan loo magacaabay, Markaa inkasta oo aanan Mahdi ku ogayn aqoon Profossor,gaadhsiisan, hadana marka la eego maamul wanaagiisa iyo daacadnimadiisa ah in aanu waxba ka hagran doonin ka shaqaynta horumarinta adeegyada bulshada waxa aan hubaa in uu horumar weyn oo muuqda uu gaadhsiin doono Jaamacada Hargeysa.''
Xildhibaan Mataan Al-Humaami, waxa uu tusaale cad oo ku dayasho leh uu u soo qaatay waxqabadka iyo kartida macalinimo iyo maamul ee qiimaha badan ee ku sifoobay Guddoomiyaha Jaamacada Camuud, Prof Saleebaan Axmed Guuleed, waxaanu yidhi,
''Marka si dhab ah oo aqooni ku jirto loo qiimeeyo, anigu waxa aan Jaamacado u aqaanaa una aqoonsanahay Jaamacada Hargeysa Iyo Jaamacada Camuud, oo ah labada Jaamacadood ee kaliya ee national universities-ka ah ee dalka ka jira, markaa waa in aynu Jaamacadahaa muxaafid iyo mucaaridba aynu ka wada illaashanaa turunturada, balse, Jaamacadahan kale ee tirada iyo tayadaba beelay ee laba labada qol ah ee sheegta in ay qeyb ka yihiin jaamacado dalal Afrikaan ah ka jira anugu Jaamacdo uma aqaano, sidaa daradeed, Labadaa Jaamacdood ayuun baa dalka ka jira, Markaa Jaamacada Camuud, uma baqdin qabo, oo waxa jooga nin raa'ib, ah oo noloshiisa oo dhan u huray waxbarshada oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed, isaga oo macallin iigu ahaa Waxbarashadaydii Jaamacadeed, mana jiro macalin ka wanaagsanaa oo aniga iyo inta ila mid ahba soo maray, markaa macalinimadu waa shaqo adag oo hawl badan, aniga oo uu macalin ii ahaa oo macalina ah ayaa maanta ka daalay in dadka wax baro, isaguna isaga oo illaa carruurnimadaydii macalin ii ahaa ayuunu illaa maanta mar kelya aanu ka caajisin oo aanu ka nasan in uu waxbarashadii uu gacanta ku hayo oo uu sii wado, waxaanan hubaa haduu is yidhaahdo Madaxweynenimada dalka u tartan in aanu jirin masuul lagu doorsan karaa, laakiin isaga ayaan rabin oo taa ka doorbiday kobcinta aqoonta dhallinyarada dalkiisa in uu wakhtigiisa ku dhamaysto, Hadaba waxa aan leeyahay oo aan kula talinayaa Guddoomiyaha cusub ee Jaamacada Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri, in uu si joogta ah ugu shidaal qaato oo uu ku xidhnaado oo ay wada shaqayn fiican yeeshaan Guddoomiyaha Jaamacada Camuud, Prof Saleebaan Axmed Guuleed, oo waxyaabo badan oo dhismaha horumarinta Jaamacada ah ka caawin kara oo la qaban, kara. Waxa jira halhays qiimo badan oo yidhaahda ''Arday xumi ma jiro, ee macalin xun baa jira.'', waa halhays rasmi ah oo hadii macalinka, ama Professorka, ama cida maamulka haysaa ay dad qiimo leh tahay arday xumi ma jiri karo mana joogi karo, hadii jirana waxy toosinayaan haday u taagi waayaana ardaygaa xun ardayda wanaagsan way ka dhex saarayaan oo way eryayaan, markaa macalin xun ayuun buu arday xumi ka soo dhex bixi karaa, meel maamulku xun yahay ayuunbay ardayduna xumaan kartaa, sidaa awgeed Mahdi waxaan si weyn ugu kalsoonahay in uu maamulka Jaamacada toosin karayo, waxaana waajib ah in lala shaqeeyo, waxaanan leeyahay Mahdiyow noo noqo Profosser Saleebaan Axmed Guuleed, oo kale.'' ayuu Xildhibaan Mataan Al-Hamuumi, uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay.