Mahaatiir Maxamed waxa uu siyaasaddiisa aasaas uga dhigay aragti ah in Islaamku uu yahay nidaam haddii fasiraaddiisa saxda lagu qaado ka sarreeya nidaam kasta oo kale oo adduunka la isku xukumo. Isaga oo arrintaas dadka reer Malaysiya kala hadlayey mar sannadkii 2002-dii ahayd waxaa ereyadiisa ka mid ahaa, “Marka si sax ah loo fahmo, mabaadii’diisa iyo hagistiisana si dhab ah loo raaco, Islaamku waxa uu fidiyaa jid ilays leh, wada noolaanshiyo, dawlad masuul ah oo xasiloon, horusocod iyo barwaaqo.. Waxa aanu aaminsanahay in habka aynu ugu hogaansannay dhaqanka iyo tilmaamaha Islaamka ee aasaasiga ahi uu kaalin weyn ka qaatay guusha aynu ummad ahaan gaadhnay”
Marka laga tago sumcadda fiican ee uu mudan Mahaatiir Maxamed ku helay horumarka uu dalkiisa gaadhsiiyey iyo badbaadada dhaqaale ee uu sameeyey. Waxa uu dunida muslimka magac weyn kaga helay mawaaqiifta ad-adag ee uu ka istaagay siyaasadaha Yuhuudda ee Falastiiniyiinta ka dhanka ah iyo guud ahaan Israa’iil oo uu ku tilmaamo nidaam argagaxiso.
Tobannaankii sano ee u dambeeyey qarnigii labaatanaad waxaa dalka Malaysiya ka hirgalay isbedello waaweyn oo dhaqaale, siyaasadeed iyo dhaqan, oo dalka ku hoggaamiyey in bulshadu ay gaadho heerarka dhaaqaale oo horleh iyo in uu isbeddel horumar ku dhaco magaalooyinka dalka iyo guud ahaan Malaysiya. Hoggaaminta Raysalwasaare Mahaatiir Maxamed waxa ay kor u qaadday hamiliadii muwaadiniinta iyo hanweynidii ay u hayeen dawladnimada iyo muwaadinnimadooda Malaysiyaanka ah. horumarka ballaadhan ee dhinaca war-isgaadhsiinta iyo teknoolajiyada ayaa isaguna si layaab leh isbeddel horumar ugu soo hooyay nolosha dadka dalkaas, oo hore u ahaa bulsho reer baadiye u badan oo dhaqaalaheedu aad ugu tiirsanyahay beeraha.
Maanta inta badan ee dadka reer Malaysiya waxa ay ku noolyihiin magaalooyinka, waxsoosaarka dhaqaale ee dalkuna boqolkiiba 60 waxa uu ku tiirsan yahay. Marka dakhliga fardiga ah la eegana, soddonkii sano ee u dhexeeyey 1980 illaa 2010 waxa uu dakhliga qoysku laban-laabmay siddeed jeer, waxaana kor u kacay waxbar
Xawaaraha isbeddellada iyo horumarka leh ee uu dalka Malaysiya ku dhaqaaqay waxa ay horseedeen in dalka iyo guud ahaan gobalka Koonfurta Bari ee Aasiya uu soo jiito xiisaha maalgashadeyaasha adduunka.
Waxaa si kor u kacay heerkii ka qaybgalka waxbarashada ee dalka waxaana heersare gaadhay adeegyadii caafimaadka. Gaar ahaan waxaa hoos u dhac muuqdaa uu ku yimi dhimashadii ubadka dhasha iyo umul aroorkii, waxaana kor u kacday da’dii nolosha muwaadiniinta.
Dalka Malaysiya waxa uu halbeeg u noqday isbedellada horumar ee ay tahay in dawladuhu sameeyaan, sababaha horumarkiisu xiisaha gaarka ah u sameeyeyna waxaa ka mid ah dalka oo aad u yar iyo dadkiisa oo ku kala duwan isirka, dhaqanka iyo diinta. Waxa uu dhaafay dalal ka waaweyn oo gobalka kula yaalla, kuwaas oo ay ka mid yihiin Indooniisiya, Thailand iyo Filibiin.