Magacyada Shan Xildhibaan Oo Uu Guddoomiye Cirro Shalay Ka Saaray Guddiga Joogtada Ah, Kuna Daray Guddiyo Kale

0
488

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa xilalkii ka bedelay shan xubnood oo ka tirsan guddiga fulinta, waxaanu ku daray guddi cusub oo kale. Sidoo kale wuxuu guddoomiye Cirro guddiyadii ay hore ugu jiraan ka bedelay xildhibaano kale.

Sida ka muuqata qoraal uu shalay soo saaray guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), wuxuu abuuray laba guddi oo cusub oo uu xildhibaanada qaar ku kala daray. Xildhibaanada ka tirsan guddiga joogtada ah ee uu ka qaaday xilalkii ay ka hayeen guddigaas, kuna bedelayo guddiyo kale ayaa kala ah Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo loo bedelay guddiga gaadiidka iyo waddooyinka, xildhibaan Axmed Faarax George oo isna loo bedelay guddiga gaadiidka iyo waddooyinka, xildhibaan Ibrahim Caraale Cabdi oo isna loo bedelay isla guddigan waddooyinka iyo gaadiidka, xildhibaan Cali Maxamed Aaden (Cali Barre) iyo xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaki) oo labadoodaba loo bedelay guddigan gaadiidka iyo waddooyinka.

Go’aankan guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa imanaya, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in shantan xubnood ee guddiga joogtada ahi ay saxeexeen mooshin ay ku dalbanayaan in guddoomiyaha xilka lagaga qaadi karo 42 cod, halkii uu hore uga ahaa 55 xildhibaan.

Halkan ka eeg liiska dhammaan xildhibaanada uu isku bedelay iyo guddiyada cusub ee uu sameeyay