Boorama(Geeska):-Qaar ka mid ah falaagadii dhawr bilood ka hor duurka gashay ee uu hogaaminaayey Suldaan Waber oo ka mid ah madaxdhaqameedka ka soo jeeda gobalada galbeedka Somaliland, ayaa dib isagu soo dhiibay ciidanka qaranka Somaliland, waxaana si balaadhan xurunta gobalka Awdal ee magaalada Boorama ugu qaabilay guddoomiyaha gobalka Awdal Md.Xamarje, taliye ku xigeenka ciidanka booliska iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qaranka iyo booliskaba.
Waxaana ka dib soo dhawayntaas oo ay warbaahinta la hadleen, halkaasi ugu horeyn ka hadlay Maxamed Cali Caynaan oo ah falaagada dib ugu soo guryo noqotay dalkoodii hooyo, sida oo kalena ahaa taliyahii qaybta bariga ee falaagada uu hor kacaayo Suldaan Waber, waxaana uu faah faahin ka bixiyey qaabka ay dib ugu oo laabteen dalkoodii hooyo, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in ay sida oo kale soo socdaan qaar kale oo badan oo ka tirsan falaagada Suldaan Waber.
"Ciidankii Suldaan Waber ayaan ahaa oo intaaba taliye ayaan ahaa, waxaan ahaa abaabule, markaa arrinku marka uu halkii shan bilood joogo, waxaan idhi wax soconaaya maaha, dee arrinkiina guntii ayaan ka gaadhay markaa waxaan idhi aniga oo Maxamed Cali Caynaan ah mar haddii aanay wax suurta galayaa aanay jirin in aan dawladayda ku soo noqdo ayaan ugu talo galay, iyo dadkaygaba waana aan u imid, sidaas aanu ku oo galnay qoryahayagii ayaanu sidanaa, intii danbena waan ku noqonaynaa oo waanu soo furaynaa, waxaan se leenahay intii danbena waan soo hoynaynaa hana na qaramayso. Ujeedada aanu u soconay waxaa ay ahayd in aan dawlada burburino oo aanu dawlada qabsano ayey ahayd oo aanu wadanka burburino oo aanu u sarayno ayey ahayd, madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayaa la kala dhig dhigay, Waber ayaa noo ahaa madaxweyne isagaana imika haya, ninba koox gaar ah ayaa uu hayaa oo isagu haystaa, tiradooduna waa illaa saddex boqol iyo wax, awoodoodu waa ay iska liidataa oo qoryo iyo hubtoona ma haystaan. sababta aan u soo noqday waxa weeye dee dalkayga in la burburiyo maaha, ubadka iyo maatida iyo ka aan ordi karayn in la burburiyo dee waxa danbe ee aanu dhisayno waxba kuma yaalaan, kuwii kalena waxaan odhan lahaa iska soo hoyda oo dalkiina ku soo noqda. Waxa weeye annaga si fiican ayaa na loo qaabilay oo dawladu noo soo dhawaysay adigu tiradayadu 75 ayey ahayd saddex ayaanu ahayn mid mas ayaa naga cunay oo xaafadihii ayaa uu dhex jiifaa. Noloshoodu waa ay iska fiican tahay oo dee meesha Goolka waa lagu qalaa oo lacag ayaa taala oo qaad iyo xoolo ayuunbay ku cunaan.".Ayuu yidhi Maxamed Cali Caynaan.
Taliye qaybeedka ciidanka booliska Somaliland ee gobalka Awdal oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu isna dhankiisa faah faahin ka bixiyey dedaalkii ay u galeen sidii jabhadan dib loogu soo xarayn lahaa, waxaana uu carabka ku dhuftay in nasiib wanaag ay muddo dheer oo wada-hadal u soday iyaga iyo falaagada ay ku soo guulaysteen in soo xero galiyaan qayb ka mid ah, waxaana uu ugu baaqay xukuumada iyo cidii kale ee ay khusaysana ay ka qayb qaataan sidii loo qaramayn lahaa, waxna loola qaban lahaa baahiyahooda kala duwan, waxaana uu yidhi:
"Sida aad ka warqabtaan, baryahan waxaa jiray in ay jabhad uu hor kacaayey Suldaan Wabe ay ka abuurantay dhinac galbeedka, oo Waber iyo nin hore halkan Boorama maayir uga ahaan jiray ay hogaanka u hayaan dhawr jeerna weeraro gaadmo ah ay ka fuliyeen saldhiga booliska iyo xarumaha ciidamada, ninkani jabhadaas qayb ka mid ah ayuu taliye ka ahaa, wakhti dheer, xidhiidh badan iyo wada-hadal badan oo na dhex maray ka dib ayuu Illaahay noo fududeeyey in nimankii aanu is afgarano oo aanu isku soo dhawaano, oo aanu isku qancino xaqiiqada oo ay walaalahayo u soo noqdaan si nabad iyo caano ah, waxaan qabnana ay nala qabaan, waxyaabaha yar yar ee khaladaadka ah ee meesha soo galayna ay meesha ka baxaan waanu rajaynaynaa guulahaas iyo guule oo ka badanba.".
Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Liibaan (Fooxle), uu isna halkaasi ku qaabilay ciidanka lagu wareejiyey, waxaana uu dhankiisa isna tilmaamay in ay balan qaadayaan in ay kaalintooda ka qaadan doonaan sidii ay wax ula qaban lahaayeen ciidankan la soo xero galiyey.
“Horta dee umaddani waa umad isku dan ah isku dalna ah hawshaas runtii aadka u adkayd ee markii muddo laga shaqaynaayey la is fahamsiiyey wax meesha yaala, in ay gurigoodii ay ugu soo noqdeen si nabad galyo ah, annagu ciidan ahaan oo taliyahayagii qaybtu ka mid yahay aad ayaan idiin ku mahad naqaynaa, waxana aan idin ku soo dhawaynaynaa waa dalkiinii, waxii baahi iyo waxii dhibaato jirana waa la idin la xalinayaa oo waanu balan qaadaynaa ee annaga kaalin ahaan naga’ga beegma ciidanka booliska iyo wasaaradayada arrimaha gudahaba in aanu kaalintayada ka soo baxayno.”.Ayuu yidhi
Guddoomiyaha gobalka Awdal Md.Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax), oo isna ugu danbayntii halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu sheegay in waxii balan qaadyo ee loo sameeyey ciidanka la soo qarameeyey ay u balan qaadayaan sidii ay u siin lahaayeen.
“Waxaan u mahad celinayaa ciidamada nabad galyada gaar ahaan booliska ee nabad galyada jamhuuriyada Somaliland, waxaan soo dhawaynayaa Maxamed Cali Caynaan, oo ahaa taliyahii qayba biriga ee maleeshiyadii iskugu tagtay halkaas, iyo raga kale ee la socdaba, runtii waliba saaka roobka ayaa na xayiray, iyada oo hore u soo galay oo qoryahoodii la soo hoyday oo nala joogay, aadbaan u soo dhawaynaynaa iyo kuwa kaleba oo imika illaa Afar iyo Toban ayaa illaa hada nala jooga, Afar iyo tobankaasba kolay annagu waanu fulinaynaa balan qaad kayagii oo wax la’la qabto, dawladuna ay kaalinteedii ka soo baxdo sidii dub u dejin iyo qaramayn loogu samayn lahaa.”.Ayuu yidhi Md.Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax).