Magacyada Guddiga Qaban-Qaabada Shirweynaha 4-Aad Ee Kulmiye Oo Lagu Dhawaaqay

0
699

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere ayaa shaaciyey Magacyada Guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha 4-aad ee Xisbigaasi.

Guddoomiye Axmed Cabdi Dheer oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay in fadhi ay yeesheen guddiga fulinta ee Xisbiga KULMIYE ay ku ansixiyeen 14 xubnood oo noqonaya Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha 4-aad ee KULMIYE, kaasi oo loo muddeeyay horraanta bisha lixaad.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxaanu muddooyinkii u dambeeyay ku mashquulsanayn inaanu qabano Shir-weynihii 4-aad ee Xisbiga KULMIYE oo foodda nagu soo haya, waxaanu u muddaynay bisha June horraanteeda, haddii Allaah yidhaahdo, Guddiga fulintuna waxay Maanta (Shalay) ansixiyeen guddigii qaban-qaabada ee Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga KULMIYE.

Guddiga qaban-qaabada ee ay Guddiga fulintu ansixiyeen waxay ka kooban yihiin 14 Qof oo kala ah:-

  1. Cabdikariin Axmed Maxamed
  2. Dr. Maxamed Cabdi Carabayte
  3. Axmed Faarax Cadarre
  4. Cali Xaamud Jibriil
  5. Cali Maxamed Cali
  6. Axmed Cabdi Kijaandhe
  7. Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye
  8. Maxamed Ibraahim Madar
  9. Axmed Nuur Faahiye
  10. Khadra Jaamac
  11. Maxamed Muuse Abees
  12. Faysal Cumar Madar
  13. Ismaaciil Jaamac
  14. Naasir Ayjeex Jaamac

Guddoomiye ku-xigeenka labaad, ma sheegin Maalin cayiman oo la qabanayo Shir-weynaha 4-aad ee KULMIYE, balse wuxuu sheegay in loo muddeeyay shirka bisha June, sidoo kalena ma soo hada-qaadin Goobta lagu qaban doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here