Magacyada Afar Madaxweyne Oo Afrikaan Ah Oo Laga Reebay Liiska Obama Iyo Madaxda Afrika

0
520

Picture5Washington(Geeska/W.Wararka)-Toddobaadka dambe waxa magaalada Washington ee dalka Maraykanka ku qabsoomaya kulanka dhex maraya Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama iyo madaxda qaaradda Afrika.

Kulankan oo muddo la qorshaynayay waxa uu Maraykanku ku casuumay 50 ka mid ah madaxda qaaradda Afrika, kuwaas oo badankoodu u ambobaxay wadanka Maraykanka si ay kulankaas uga qayb galaan. Hase yeeshe waxa jira afar madaxweyne oo ay dawladda Maraykanku ka reebtay ka qayb galka kulankaas, kuwaas oo aanay wax martiqaad ah u dirin.

Afarta madaxweyne ayaa kala ah, Madaxweynaha wadanka Zimbabwe Robert Mugabe oo ay colaad siyaasadeed oo gaarmurtay ka dhaxayso wadamada reer galbeedka, Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir oo ay isagana maxkamadda ICC ee dambiyada caalamiga ahi ku soo oogtay dacwad, Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki oo isna lagu haysto xad-gudubyo ka dhan ah bini-aadamka iyo Madaxweynaha wadanka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe Catherine Samba  oo uu xasuuq xumi wadankeeda ka taaganyahay, kaas oo lagu hayo muslimiinta wadankaas ku nool.

Inta badan madaxda Wadamada Afrika ee martiqaadka loo diray, way xaqiijiyeen inay kulanka ka qayb geli doonaan, qaarkoodna waxay dirsan doonaan raysalwasaarayaal, madaxweyne-xigeeno iyo wasiiro arrimo dibadeedyo. Laakiin waxa isaguna aan kulanka ka qayb geli doonin Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi oo uu meteli doono ergay uu dirsan doono, waxaana la sheegayaa in Cabdifataax Al-Sisi uu kulanka uga baaqday ka dib markii lagala habsaamay dhambaalka martiqaadka.

Kulankaas ayaa lagaga hadli doonaa sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka Maraykanka iyo Qaaradda Afrika, iyadoo uu wadanka shiinuhu muddooyinkan dambe xoojiyay xidhiidhka uu la leeyahay qaaradda Afrika.