Magacyada 20-ka Arday Ee Ugu Sareeya Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Hoose/Dhexe Iyo Kuwa Sare

2
741

Picture6Hargeysa (Geeska) – Guddida sare ee imtixaanaadka qaranka Somaliland ee Wasaaradda waxbarashada, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada imtixaankii shahaadiga ah ee fasalada afraad ee dugsiyada sare iyo fasalada 8-aad ee dugsiga hoose/dhexe ee sanad dugsiyeedka 2012 ilaa 2013-ka.

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8-aad iyo afraad ee Somaliland oo ay sanadkan u fadhiisteen arday gaadheysa 20.000, ayaa waxa natiijadiisa ku dhawaaqay Guddoomiyaha guddida

imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadhweyne) oo shalay shir jaraa’id oo ay ku wehelinayeen guddida Imtixaanka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada, maamulayaasha dugsiyada dalka qaarkood iyo weliba marti sharaf kale oo aad u tiro badnaa ku qabtay xarunta guddida imtixanaadka qaranka ee Hargeysa.

Guddoomiyaha guddida imtixaanaadka qaranka, ayaa sheegay in sanadkan ay guud ahaan dalka u fadhiisteen arday dhan 19452 oo isugu jira dugsiyada sare iyo kuwa hoose/dhexe ay si wanaagsan ugu dhamaatay isla-markaana sanadkan ay aad u yareyd ardayda imtixaanka ku dhacay, waxaanu guddoomiyuhu mid mid u yeedhiyey Magacyada ardayda galay kaalmaha hore ee dugsiyada sare ee Fasalada Afraad iyo 8-aad ee hoose/dhexe.

Magacyada Tobanka arday ee Ugu Sareeya Imtixaanka Shahaadiga ah Fasalada 8-aad dalka oo dhan:

Hoodo Khadar Jees Aaden – Imaamu Shaafici (Hargeysa), waxayna keentay – 617

Hibaaq Jaamac Omer Axmed – Nuuradiin (Hargeysa), waxayna keentay – 616.

Yaxye Cabdi Cali Axmed – Al-khayr (Hargeysa), wuxuu keenay – 615.

Bashiir Cabdi Daahir Cilmi – Q-dheer (Hargeysa), wuxuu keenay – 613.

Amal khaddar Cabdi Aaden – Imaamu Shaafici (Hargeysa) – 608.

Bilqis Maxamed Cabdi Aaden – Tommorow  (Hargeysa) – 607.

Siciid Aaden Abokor Cawad – Smart (Togdheer)  – 607.

Axlaam Cabdirisaaq Axmed Maxamed  – Tommorow (Hargeysa) – 606.

Mustafe Cabdilaahi Daahir Ducaale – Alkhayr (Hargeysa) – 605

Nimco Qorane Maxamed Cabdilaahi – Laanta Hawada (Maroodi-jeex) – 604.

Sakariye Maxamed Cabdi Cali – Geeska Afrika – (Togdheer) – 604.

Sidoo kale, Guddoomiyaha guddida Imtixaanaadka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, waxa uu mid mid tobanka arday ee ugu sareeya ardayda u fadhiisatay imtixaankii shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee guud ahaan Somaliland, kuwaasi oo kala ah sidan:-

Cabdisalaan Saleebaan Xasan Maxamed –SOS – 716.

Cabdifataax Cabdi Muuse Maxamuud – SOS – 713.

Hoodo Aaden Muuse Cajab – Nuuradiin – 707.

Mustafe Sayid  Jaamac Warsame – Nuuradiin – 691.

Maxamed Cabdi Ibraahim Cabdille – SOS – 690.

Aasiya Maxamuud Ayuub Xasan – Nuuradiin – 688.

Cabdifataax Muuse Aadem Ubaxle – SOS – 686.

Cabdisalaan Sa’ad Sa’ed Maxamed – SOS – 683.

Sa’eed khaddar Cabdiweli  Aw Sa’eed – 682.

Ayaanle Cabdilaahi Cali Cilmi – SOS – 681.

Guddoomiyaha guddida imtixaanku waxa kale oo uu halkaasi ku soo bandhigay ardayda imtixaanka ku dhacday ee fasalada afraad iyo 8-aad ee dugsiyada hoose/dhexe.

 

Comments are closed.