Magacyada 15-ka Xubnood Ee Shalay Doortay Hoggaanka Hargeysa Shirweynaha KULMIYTE

35
621

Picture6Hargeysa (Geeska) – 15 xubnood ka mid ah 27-ka qof ee guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye u soo xulay qaban-qaabada shirwaynaha saddexaad ee xisbigaasi oo loo asteeyay inuu qabsoomo 25-ka bisha December ee sanadkan, ayaa shalay doortay shir-guddoon ka kooban afar xubnood. Garabkani waxay taageersanyihiin wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Samaale, oo uu loolan adagi ka dhexeeyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi. Waxaana doorashada qaadacay garabka kale iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga.

Xubnahan 15-ka ah, oo shalay galinkii dambe shir ay ka maqnaayeen 12 xubnood oo guddida qaban-qaabada ka mid ahi ku qabsaday Magaalada Hargeysa, ayaa dhammaantood saxeexay warqadda Magacyadooda lagu taxay, waxayna cod gacan taag ah ku doorteen Afar xubnood oo kala ah Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen, xoghaye iyo Afhayeen.

Akhristayaal, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Magacyadda 15-kaa xubnood ee shalay doortay hogaanka Guddida qaban-qaabada shirwaynaha xisbiga Kulmiye, waxayna kala yihiin sidan:-

1.   Farax Faarax Cali

2.   Saleebaan Cawad (Bukhaari)

3.   Fu’aad Maxamed Cumar

4.   Yaasiin Maxamed Cabdi

5.   Abubakar Xaamud Jibriil

6.   Sahal Maxamed Jaamac

7.   Cismaan Garaad Soofe

8.   Maxamud Axmed Saalax

9.   C/risaaq Waaberi Rooble

10.  Mustafe Faarax Dhoore

11.  Cali Obsiiye Diiriye

12.  Yuusuf Nuur Maxamed

13.  C/raxmaan Maxamuud Carraale

14. Dr. Cumar Cilmi Dixood

15. Amaal Xaaji Axmed Miisaan

 

style='mso-pagination:none'> 

Comments are closed.