Malaha arrintani mid sahlan ayay idin la tahay. Waa mid ka mid ah ceelashii Gobolka Gebilay laga qodayay. Haddii wasiir la magacaabay, aniga amar danbe la ima siin af iyo qoraal midna oo la iguma odhan xilka Wasiirka cusub ku wareeji. Run ahaantii waxaan u qaatay in ay Madaxtooyadu ku talo-gashay in aanu mar kale aniga iyo Wasiirka cusubi isku qabsanno xilka wareeji iyo Cadami ayaa la igu yidhi ku wareeji.
Waxa intaas oo dhanba ka sii darneyd cid aanu wax weydiinna ma ay joogin dalkaba oo Madaxweynihii inta uu go’aammadan aan is-qabanayn soo saaray ayuu iska dhoofay. Waxaan la hadlay Wasiirkii Gaashaan-dhigga ee la igu yidhi xilka ku wareeji, waxaanu ii sheegay in uu u ambo-baxayo Bariga Sanaag oo aanu Hargeysaba joogayn.
Intaasi markii ay dhacday waxaan go’aansaday oo aan Wasiirka cusub ee Warfaafinta u sheegay in uu u soo diyaar-garoobo xafladda xil-wareejinta oo ku beegnayd 4/82012ka. Wuxu ahaa dariiqa keliya ee ii furnaa ama noo furnaa labadayadaba. Qasab ayay igu noqotay in aan buriyo amarkii qornaa ee aan haystay ee Madaxweynuhu qoraalka igu siiyay. Maxaa kale ee aan samayn lahaa! Wasiirkii la ii soo qoray “Inta aan ka soo magacabayo” maalin ka dib ayaa la iga daba keenay iyada oo aan wax ogeysiis ah la I siinnin. Amar danbe oo qoran la ima siin oo la I leeyahay Wasiirka cusub xilka ku wareeji, bal se kii hore ayaa sidiisii lagu daayay.
Wasiirkii la igu yidhi ku wareejina bari guntii iyo Sanaag Bari ayaa loo diray. Wasiirka in aan ku wareejiyo qoraal la iguma siin. Kaaga daranta Madaxweynihii wax la weydiin lahaana bax. Sidaa darteed ayaan go’aan ku gaadhay in aan wasiirka cusub xilkii ku wareejiyo si aanay meesha ugu dhicin malahayga xiisad loo dan lahaa oo Gobolka Gebilay mar kale lagu khalkhalinayay. Intiinna malawaalkan ka soo hor jeedda ama aan liqikaraynini, bal haddaba idinku keena saharaxa iyo fasiraadda sababaha ay waxyaabahan murugsan ee aan is-qabanaynini ku dhacayaan.
3/8/2012ka:
Subaxnimadii hore ayaanu Wasiirka Gaashaan-dhigga isugu soo gallay Shirkadaha magaalada mid ka mid ah. Wuxu ii sheegay in uu saacaddaa u baxayay bari, run ahaantiina barxaddii baabburta ayaan ku arkay gaadhigiisii oo diyaar u ahaa in uu baxo.
4/8/2012ka:
Mar kale ma aan raacin go’aankii Madaxweynuhu ii soo qoray markii uu xilka iga qaadayay ee uu i farayay in aan xilka Wasaaradda Warfaafinta ku wareejiyo Wasiirka cusub, bal se saaxiibkay Abiib Diiriye Nuur wixii aan xil hayay oo dhan ayaan ku wareejiyay oo uu ku jiro xataa TV-gii Qaranku.
Inta badan waan suntadaa khudbadahayga oo sida dadka qaarkii xaalkaygu gole-ka-fuul ma aha. Khudbaddaydii xilka aan kula wareegayay waa ay qornayd, khudabaddan aan xilka ku wareejinayayna qudheedo waa ay qornayd oo labaduba war-baahinta si xoog leh ayay u galeen. Haddii aan soo xigto, markii aan Wasiirka cusub xilka ku wareejinayay waxaan ku idhi:
“Aniga oo hore af iyo qoraalba ku codsaday, waxaan madashan marti uga ahay in la fuliyo digreetadii Wasaaradeed ee aan soo saaray 27/8/2012ka Qodobkii ka hadhsanaa si loo dhowro milgaha dawladnimo iyo maamuska habsami-u-socodka maamul.
Aniga oo rajaynaya in aad xilalkaas oo dhan hanan doonto, waxaan si rasmiya kuugu wareejinayaa xilkii ballaadhnaa ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland.
Ilaahay adiga iyo inta kula hawl-gelaysaba ha idinku gargaaro oo ha idinku asturo hawlaha xasaasiga ah ee idin sugaya. Sidaasna waan ku duceeyay. Aammiin.
Gobannimo dadkaa mudan,
Galladdana Allayska leh,
Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe),
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL,
Bal hadda fiiro gaar ah u yeesha sida Madaxweynuhu go’aankii xil-ka-qaadistayda ii faray in aan Wasiirka cusub ku wareejiyo Wasaaradda Warfaafinta iyo sida aan ugu wareejiyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Wasiirka cusub waxaan aad iyo aad uga xumahay in lagala hadhay qaybtii Wacyi-gelinta oo weliba markii danbena laga jaray TV-gii Qaranka oo Radio Hargeysa oo sharaf iyo kaaramaba lahaa caddaysimo laga dhigay. Xaqiiqadu waxay tahay in aan caddaysimo oo keliya laga dhigin, bal se TV-gii naas-nuujinayay ee habayay laga door-biday in lagu gunneeyo dad aan qarankan meerisna u soo tolin.
Taariikhdu waa ay iska soo noqnoqotaa, suugaanta ma-guuraanka ahna waxaad ku garataa sida ay goor walba u taagan tahay. Bal hadda qormadeennan 28aad aan ku soo xidhno beydad aynu ka soo xiganayno Cabdillaahi Suldaan, Timacadde, maanso uu tiriyay 1961kii oo ahayd markii ugu horreysay ee uu Muqdisho tegay, waxaanu yidhi:
“Dan Soomaaliyeed lama hayee, wa dabbaal kale,
Shacbigii dagaalka u gala, daadsan suuqyada e’,
Danbarkeedii Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye,
Dawarsadaha qaawani kuwuu, daasaddaw madhiyay,
Ee daasaskeennii wixii yaallay, lagu doortay,
Dikhsi lama xisaabsanid haddaad, daw ku kulantaan e’,
Dibjirkiyo haddaan lala hadlay, dumarkan gaajaysan,
Ninnaan dawlad baa Xamar fadhida, haw dabbaal-degin e’
Hadduun baa sidii buul-duqeed, daaha loo rogaye,”
(la soco……………………………)
Comments are closed.