Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha maxkamadda sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku bogaadiyay go’aan uu madaxweyne Siilaanyo ka gaadhay arrimaha garsoorka.
Md. Aadan, wuxuu sheegay in talaabada madaxweyne Siilaanyo tahay mid taariikhi ah “Anigoo ku hadlaya afka dhammaan bahda garsoorka, maxkamadaha wadankoo dhan iyo magaca guddiga caadaaladda, waxaan madaxweynaha uga mahadnaqayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee ee la xidhiidhay in garsoorka oo muddo dheer kala qaarnaa oo kala qaybsanaa in la is raaciyo oo miisaaniyadda maxkamadaha hoose laga bilaabo maxkamadaha rafcaanka ee wadankoo dhan iyo wixii ka hooseeya, laga hoos saaro wasaaradda cadaaladda.” ayuu yidhi Aadan.
Wuxu intaas raaciyay “sidaynu ognahay Jamhuuriyadda Somaliland waa dal xor ah oo qaatay nidaamka asxaabta badan oo ay rukun u tahay inay saddexda waaxood ee qaranku kala madaxbanaanadaan iyagoo wada shaqaynaya oo is kaashanaya.”
Wuxuu guddoomiyaha maxkamadda sare intaas raaciyay “Waa go’aan weyn oo taariikhiya oo kordhiyay madaxbanaanida iyo dhexdhexaadnimada garsoorka, waana talaabo hor leh oo loo qaaday dhinaca cadaaladda iyo madaxbanaanida garsoorka, waxaanay xoojisay in sharciga la isku maamulo oo sharcigu shaqeeyo, waayo waaxaha qaranku markay kala madxbanaanadaan way isa saxayaan.” ayuu yidhi Aadan, oo balan qaaday inay miisaaniyadaas u qaybin doonaan si cad oo hufnaan leh.
Wuxuu u mahadceliyay xubno wasiiro ah oo uu sheegay inay arrintan ka shaqeeyeen islamarkaana xil weyn iska saaray in madaxweynuhu go’aankan qaato.