Kormeerka Madaxweyne Siilaanyo Ee Xarumaha Dawladu Muxuu Daarnaa?

0
486

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay kormeer ku soo maray xarumaha wasaaradaha iyo weliba hay’adaha kale ee dawladda.

1

Madaxtooyada Somaliland ayaa kormeerkaas ku tilmaantay mid shaqo, waxaana madaxweynaha weheliyay taliyaha Booliska iyo wasiirka madaxtooyada.

Warbixin ay madaxtooyadu soo saartay waxay ku sheegtay inuu madaxweynuhu kormeerkiisa shaqo ku soo maray wasaaradaha ganacsiga iyo maalgashiga, beeraha, warfaafinta iyo hay’adda shaqaalaha. Waxaana sida warbixintan ka muuqata uu wasaaradahan iyo xarumahan ugu tagay oo markaas shaqadooda ku gudo jiray wasiirka beeraha iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, halka uu wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga ugu tagay wasiir-xigeenka, islamarkaana uu wasaaradda warfaafinta ugu tagay maareeyaha telefishanka qaranka.

Hase yeeshee, socdaalka madaxweyne Siilaanyo ayaa la aaminsanyahay inuu ku soo maray in ka badan xarumahan dhawrka ah ee ay madaxtooyadu sheegtay islamarkaana uu wasaaradaha iyo xarumaha uu soo maray ugu tagay shaqaalihii oo keliya iyadoo aanay masuuliyiinta madaxda ka ahaa soo shaqo tagin.

Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay in loo qorayay wasaaradaha iyo xarumaha uu booqday, kuwa ay masuuliyiintu joogaan iyo kuwa aanay kaba soo xaadirin layaab ku noqotay sida ay masuuliyiinta xilka loo dhiibay u dayaceen shaqadii qaranka ee loo xilsaaray.

Madaxweyne Silaanyo, ayaa la eegayaa in socdaalkiisu ahaa mid iska tamashle ah iyo inuu ahaa mid shaqo oo uu talaabo ka qaadi doono masuuliyiinta aan u soo shaqo tagin xafiisyada qaranka ee uu masuulka uga dhigay.