Ilaahay (SWT) wuxuu yidhi: Haddii aad wax xukumaysaan si caddaalad ah wax ku xukuma. Madaxweynuhu waa xaakimka ugu sarreeyey ee loo igmaday inuu xukumo waddanka. Waxa kitaabka jaamaca ah loogu dhaariyey maalintii uu xukunka waddanka qabtay oo waajibkiisa koowaadna uu yahay inuu beelaha Somaliland ku nool oo dhan ee uu xaakimka u yahay uu si caddaalad ah ku xukumo. Madaxweynuhu dhaartaas muu oofin markaad eegto sida “eexda, takooridda iyo kala qaybintu ku jirto” ee ay xukuumadiisu u qaybisay deeqaha waddanka lagu deeqo gaar ahaana deeqda ceelasha biyaha ee dhwaan loogu deeqay ummadda Somaliland. Marka uu wasiir ama masuul kale oo xukuumadda ka tirsani ku kaco fal caddaalad darro ah, masuuliyadeed madaxweynaha ayaa leh oo ku eedaysan illaa inta uu saxayo caddaalad darradaas.
Bishii August 2012, 14 xildhibaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada iyo Guurtida oo ka soo jeeda beesha galbeedka Burco, ayaa Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay inuu si deg-deg ah xilka uga qaado wasiirkiisa Wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, Eng Xuseen Cabdi Ducaale, oo ay ku eedeeyeen inuu “dastuurka iyo shuruucda dalka ku tuntay”.
Mudanayaashan waxay wasiirka Macdanta ku eedeeyeen “inuu tan iyo markii xilka wasaaradaasi loo dhiibay uu ku shaqeynayey eex iyo takoorid, isla-markaana uu bulshada gobolada dalka u kala eexanayey, taasi oo ay ku tilmaameen mid ka soo horjeeda sharciga iyo nidaamka maamul ee dalka ka jira.”
Wasiirka oo weerarkan 14ka xildhibaan ku soo qaadeen u arkayey mid beelaysan waxa ka muuqatay markuu ka jawaab bixiniyey inuu ka damqaday oo ay gilgilashay eedayntaas loo soo jeediyey. Shir saxaafadeed uu wasiirku iskaga difaacayo eedayntaas oo uu ku qabtay xarunta wasaaradiisa bishii August 15dii, 2012, isagoo ay weheliyaan masuuliyiinta kale oo ka tirsan Wasaaradda Macdanta Biyuha, wuxuu kaga jawaabay inuu soo bandhigo qoraal warbixin ah oo uu ku caddeynayo deegaamada dalka oo dhan ee ay ka qodeen ceelal biyoodka kharashka ku baxayana ay bixinayaan dalalka Kuwait iyo Imaaraadka Carabtu.
Wasiirku wuxuu warbixintiisa ku sheegay in 18ka Ceel ee Imaaraadku bixiyeen loo kala qaybiyey 10 ceel oo Hargeysa ah iyo 8 ceel oo Burco ah. Magaalada Burco wuxuu wasiirku deeqda ceelasha uu u kala qaybiyey 4 goobood oo bariga ah (Siibakhti, Timaweynta, Oktober, Buqleeya) iyo 4 goobood oo galbeedka ah (Saylda, Dr Muuse, Maxamed Cali, Qandahaar ). Waxay u muuqataa oo run ahaantii wasiirkuna rumeysnaa markuu shir saxaafadeedka qabanayey inuu ceelasha si caddaalad ah Burco ugu qaybiyey laakiinse 14ka xildhibaan ee ka soo jeeda galbeedka Burco kamay iibsan wasiirka sheekadaas oo waxyaalo kale oo intaas dhaafsiisan ayey gocanayeen ama ha noqoto hay’adda AL-Nafuura ama wax kale ha noqotee.
Deeqda Kuwait bixisay oo ahayd 12 ceel wuxuuu wasiirku u kala qaybiyey sidan sida ku qeexan warbxinitiisa: Awdal /Salal 2 ceel (Gargooray, Camuud), Maroodijeex 2ceel (Dameera- boob, Salaxley), Saaxil 2ceel (Faradeero, Goobaare), Sanaag 3ceel (Laanqiciye, Badhan, Ceel afweyn), Togdheer 2ceel (Qabri huluul, Dhoqoshay ), Sool 1ceel (Widh widh). Dabcan deegaanadani beelo ayey u taagan yihiin. Wasiirku markuu soo bandhigayey warbixintan wuxuu isku dayey inuu u muujiyo shacabka iyo kuwa deeqda bixiyaba sida caddaaladu ku dheehantahay ee uu ceelasha deegaamada waddanka oo dhan ugu kala qaybiyey.
Wasiirku war saxaafadeedkiisii wuxuu ku yidhi “Sidaad la socotaan waxay wasaaradu ka mid tahay hay’adaha dawlada ee ku dhaqma distoorka iyo shuruucda u dagan dalka mana jirto shuruuc ay jabisay ama wasiirku dhinac maray ,sidoo kale ma jirto meel uu wasiirka wasaaradu ku sameeyay eex, kala qaybin, sed-bursimo iyo kala takoorid bulsho, mana jirto lamana soo helayo meel uu wasiirku iskaga horkeenay ama colaad ka dhex abuuray xukuumada iyo beelaha Somaliland qarkood sida ku cad eedaynta xildhibaanada.” Fariid faraha subag ku leh.
Bal hadda u fiirso cibaaradda uu wasiirku hoosta ka xarriiqay ee odhanaysa “ma jirto meel uu wasiirka wasaaradu ku sameeyay eex”. Laakiin war bixintaasa kor ku xusan waxa ka muuqata oo caddeynteedii uu wasiirka laf ahaantiisu soo bandhigay in Balligubadle uu si cad oo badheedh ah uga eexday. Malaa wasiirka iyo wasaaraddiisu uma arkaan in Balligubadleh ka mid tahay Somaliland! Markaad dib ugu noqoto eedayntii ay 14ka xildhibaan u soo jeediyeen wasiirka ee ahayd “eex iyo takoorid, isla-markaana uu bulshada gobolada dalka u kala eexday” miyaanay halkaas ku caddeyn.
Wasiirku wuxuu kale oo uu shir saxaafadeedkiisa ku yidhi, “Haddaba haddii aan si kooban idiinku iftiimiyo qaabka wasaaradu u qaybiso ceelasha deeqda ah ee soo gaadha dalka looma eego gobolaysi, qabyaalad iyo nin jeclaysi midnaba, waxaase loo eegaa qaabka joolaji ee dhulka baahida degaanka iyo awooda riigaga dalka yaala.” Wasiirku been cad ayuu halkaana ka sheegay, waxaana daliil u ah, Bariga iyo Galbeedka Burco dhinacna umuu kala eegin in biyuhu dhaw yihiin iyo inaanay dhaweyn (presence of groundwater at shallow depth), umanuu kala eegin inay biyo ku jiraan iyo inaanay ku jirin, umanuu kala eegin in biyaha la cabbi karo iyo inaan la cabbi karin ee hab qabyaaladeed ayuu u qaybiyey waayo haddii uu u eegi lahaa habka haydrojooloji (hydrogeology) waxa iman lahayd in ama Bariga ceelasha laga wada qodi lahaa ama Galbeedka, amaba labada jiho dhinac ahaan ay ceelashu u yara badan lahaayeen, laakiin taasi may dhicin ee siddeedii ceel ee loo qoondeeyey Burco laba meelood oo is-leeg ayuu wasiirku ugu kala qaybiyey Bariga iyo Galbeedka Burco.
Wasiirku wuxuu ku doodayaa in wasaaraddiisu aanay gobolaysi iyo qabyaalad midna wax ku qaybin laakiinse madaweynuhu wuxuu hore u yidhi: qabiilbaa wax lagu qaybshaa.
“Mujtamaceenu sida uu u samaysanyahay ayaa ku salaysan deegaano. Deegaankii iyo qabiilkii ayaa isgalay. Markaa waxba yeynaan been isu sheegeen. Qabiil cidi afka ku dhufan meyso, cid aan ka hadlayna ma jirto. Maalin walba way noo yimaadaan..” Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa hadalkaa yidhi. [Haddii aad doonayso inaad hubiso inuu madaxweynuhu yidhi hadalkan, waxaad ka baadhaa internet-ka qaybta Youtube-ka adigoo barta baadhista [search machine] ku qoraya: qabiil qiil ha u raadin. Dhegayso iyadoo maqal iyo muuqaal ah]
Waxa xusid mudan in eexda iyo takooridda lagula kacay Balligubadle aanay wasiirka iyo masuuliyiinta wasaaradda iyo macdanta iyo biyaha oo keliya aanay ku koobnayn.
1dii October, 2011, madaxweyne Siilaanyo ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Balligubadle halkaas oo ururkii dhaqdhaqaaqa ee SNM xarun u ahayd. Madaxweynuhu markuu ammaan fara badan u soo jeediyey dadka reer Balligubadleh wuxuu yidhi, sida laga soo daayay TVga Qaranka, “Waxaan qirayaa dhowrkii jeer ee aanu halkan nimi markii olalaha lagu jiray inaanu xaruntan [taallada SNM] aanu samayno. Waxa kale oo aanu ballan qaadnay in baahiyaha kale ee gobolku tirsanayo ee waddooyin leh ee ceelal leh ee hawlo badan leh inaanu wax ka qabano.”
Madaxweynaha waxa markiiba ku qab-qabtay su’aalo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, Maayarka Balligubadleh, Ibraahim Colaad, iyo odayaal kale. Waxa odayaashaas iyo masuuliyiinta Balligubadle ka codsadeen madaxweynaha in deeqda ceelasha biyaha uu wax ka siiyo, dhisidda waddada Balligubadlena ee uu ballan qaadayna uu wax kala qabto. Halkii jawaab laga filayey, intuu hoos u foorarsaday ayuu ka aamusay inuu jawaab haa iyo maytoona uu ka bixiyo codsigaas ceelasha biyaha ee loo soo jeediyey.
Lama fahmin markaas sababta uu madaxweynuhu uga aamusay in Balligubadle wuxuu xaq ugu leeyahay uu ka siiyo deeqda ceelasha ee Somaliland oo dhan lagu deeqay. Waxase immika soo if baxday oo caddaatay markuu warbixinta soo saaray wasiirkiisa macdanta iyo biyuhu inuu madaxweynuhu yahay xaakim aan caadil ahayn oo uu ceel biyo ah kala bakhaylay Balligubadle, hadalkiisii uu daqiiqado ka hor ka yidhi isla-goobtaas Balligubadle ee ahaa “Waxa kale oo aanu ballan qaadnay in baahiyaha kale ee gobolku tirsanayo ee waddooyin leh ee ceelal leh ee hawlo badan leh inaanu wax ka qabano.” uu iska ahaa qawda maqashii waxna ha u qaban.
Waxa madaxweynaha socdaalkaas ku wehelinayey masuuliiyiin sare oo xisbiga KULMIYE iyo dowladaba ka soo kala jeeda. Waxa ka mid ahaa masuuliyiintaas Mujaahid Maxamed Kaahin oo markaas xilka Guddoomiye ku xigeenka ee xisbiga KULMIYE aan loo dooran.
Mujaahid Maxamed Kaahin, oo isna hadal badan meesha ka yidhi, waxa hadaladiisii ka mid ahaa, “Reer Balligubadle waxaad nasiib u hesheen oo aad qayb weyn ka soo qaadateen SNM iyo xorayntii waddanka”.
Wuxuu kale oo uu sheegay in “reer Balligubadle ay ku tabceen oo maal geliyeen oo la shaqeeyeen oo biyo siiyeen oo raashin siiyeen halgankii” waa sida uu hadalkiisa u dhigaye.
Markay halkaa marayso wuxuu Mujaahidku weydiiyey dadweynihii dhageysanayey ee reer Balligubadleh su’aal ah: Balligubadle miyuu ku khasaaray? Waxa loogu jawaabay MAYA. Mujaahid Maxamed Kaahin isagoo aad moodo inuu ka jawaab bixinayo codsigii ceelasha iyo waddada ee madaxweynuhu ka aamusay wuxuu reer Balligubadleh ku yidhi, “Waxba yaanay baahidu idiin muuqanine haddii meelo kale idinka horreeyaan waa inaad aamustaan.”
Saddex sano ka hor, Axmed Siilaanyo wuxuu ku ololaynayey oo hal ku-dhig u ahayd markuu kurisga madexynenimada raadinayey, “Yaad u codaneysaan? Kulmiyaad u codanaysaan! Yaad u codanaysaan? caddaalad baad u codanaysaan.” Balligubadle KULMIYE wuu u codeeyey laakiin caddaaladii ma hayo.
Markaad eegto aamusnaantii madaxweynaha, jawaabta uu bixiyey Mujaahid Maxamed Kaahin iyo warbixinta uu soo saaray wasiirka macdanta iyo biyuhu waxay muujinayaan in hore heshiis loogu ahaa in la duudsiyo xaqa Balligubadle u leeyahay in ceelasha biyaha wax laga siiyo. Arrintaas looma aanayn karo xisbiga KULMIYE oo madaxdiisu dibad-yaal ahayd basle waxa masuuliyadeeda leh oo ay dusha ka saarantahay xaakimka waddanka, Axmed Siilaanyo.
Toddobaad ka dib socdaalkiisii Balligubadleh, 9kii October, 2011,Madaxweynuhu wuxuu dadwaynaha gobolka Togdheer u sheegay in xukuumaadiisu wax badan ka qaban doonto horumarinta arimaha bulshada, sida caafimaadka gobolka, waxbarashada iyo biyaha. Waxa uu tilmaamay madaxweynuhu “in deegaano ka mid ah gobolka Togdheer laga hirgalin doono ceelal biyood” kuwaas oo lacagta ku baxaysa ay bixinayaan dawladaha Kuwayt iyo Imaaraadka Carabta oo uu hore safar shaqo ugu tagay. Halka uu madaxweynuhu ka aamusay reer Balligubadle, reer Togdheer wuu u soo bishaareeyey. Maxaa u diiday madaxweynaha inuu qolo walba xaqeeda siiyo? Hay’ad yar oo maxalli ah ayaa dhaantay wax qabadka xukuumadda oo Balli yar ka qodday Balligubadleh.
Markaa mar ka horreysay waxa isaguna booqasho ku tegay Burco wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali oo ugu soo bishaareeyey reer Burco in sideed ceel laga qodi doono magaalada iyadoo madaxweynaha iyo wasiirka macdanta iyo biyaha toona aan hadal laga maqal lagana war qabin sida ceelasha loo kala qaybin doono. Waxay u muuqataa in markaas uu Xirsi Burco ka hadlayey la qabiyey ceelasha.
Biyuhu waa nolosha aadamaha. Qofka biyo kuu diiday waa qof nolosha kaa xisdiyey. Diinta Islaamka marka laga hadlayo, haddaad malaayiin lacag ah bixiso meel fog ma gaadho ajarkeedu laakiin markaad ceel biyood qoddo waa Sadaqah Jaariya oo marka ay shimbiri ka cabto ama neef ka cabbo iyo marka qof harraadani koombo darsadaba ajar ayaa kaaga socda xataa markaad dhimato ee camalkaaga xidhmo. Madaxweynaha iyo wasiirkiisu way diideen inay Balligubadle ceel ka qodaan oo ajarkaas wax ka gurtaan.
Waxay ka door bideen inay siyaasad beelaysan ku ciyaaraan xaqa dadka reer Balligubadle ay u leeyihiin in ay helaan ceel biyo ah oo madaxweynaha iyo wasiirkiisu aanay jeebkooda ka bixinanayn balse ah wax ummadda Somaliland loogu deeqay.
Bishii July, 28dii, 2010, Golaha Loo Dhan Yahay ee Qaramada Midoobay (UN General Assemby) waxay gaadheen Qaraarka Tirsigiisu yahay 64/292 kaasoo si cad u aqoonsaday in qof kasta oo bani aadam ahi uu xaq u leeyahay inuu helo biyo uu cabbo. Waxa uu qaraarkaasi ugu baaqayaa waddamada in cid kasta la gaadhsiiyo biyo la cabo. Qodobka 1aad, farqadiisa 1aad wuxuu qeexayaa: “In qofka banii aadamka ahi uu xaq u leeyahay inuu biyo helo taasina ay lagama maarmaan u tahay karaamada qofka banii aadamka ah (human dignity)” Madaxweynuha iyo wasiirkiisu karaamadaas ku qeexan qaraarka QM way ka duudsiyeen Balligubadle.
Aniga haddii maanta Hargeysa la i dhex dhigo ma garanayo dhinac aan uga kaco. Balligubadle-na waa igu maqal ee weligay indho ma saarin, waddanka intiisa kalena hadalkeedaba daa. Laakiin waxaan toddobo kun iyo boqol mayl aan ka arkay caddaalad darrada ay xukuumadaadu kula kacday deegaanka Balligubadle. Haddiise ay jiraan deegaano kale ama beelo kale oo aan xaqoodii ka helin deeqda ceelal biyoodka ee lagu deeqay Somaliland waxaan jeclahay inaan taageeradayda ku biiriyo.
Ilaahaybaa (SWT) yidhi: Annagaa idinka dhignay quruumo iyo qabaa’il si aad isugu garataan. Qabiilka ma aha waxa qaldani ee waa qaabka qallooca ee loo adeegsado. Markaa haddii anigu aan garanwaayey qaar kale oo la dulmay, xaakimka waddanka xukuma ama madaxweynaha ayey waajibkiisa tahay inuu yaqaano beelaha uu xukumo oo haddii xabbad buskud ah lagu deeqo uu hubiyo in beel kastaa xabbadaa buskudka ah qaybteeda ka hesho. Xataa haddii goobta lagu qaybinayo ay beeli ka maqan tahay madaxweynaha ayey waajibkiisa tahay inuu qaybtooda u hayo oo uu siiyo markay soo xaadiraan. Waajibkaas ah in dadka si caddaalad ah wax loogu qaybiyo Ilaahayba ina faray. Siyaasad fiican maaha in xodxodasho iyo xagxagasho wax lagu bixiyo sida dhaqanka u noqotay xukuumaddan.
Eeddu kuma koobna xukuumadda oo qudha balse waxa la wadaaga masuuliyiinta beesha Balligubadle dowladda kaga jirta. Wasiirka Caddaaladda, Xuseen Axmed Caydiid, oo socdaalkii Balligubadle dheegga-dheegga ugu hayey madaxweynaha umuu sheegin madaxweynaha in caddaaladii uu ku ololaynayey markuu kursiga doonayey uu immikana ku dhaqmo oo uu deegaanada ama beelaha Somaliland oo dhan si isku mid ah ula dhaqmo. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, isna uma muuqato inuu madaxweynaha xasuusiyey inuu diinta ku soo dhawaado oo uu noqdo xaakim caadil ah.
Xildhibaanada Balligubadle ka soo jeedaana waxay noqdeen Danaystayaal oo waqti umaa hayaan xaqa dadka ay wakiilka ka yihiin ugu soo dhiciyaan.
Sulaadiinta iyo cuqaasha beeshuna hore ayey niibta u soo taabtaan oo xukuumaddan ka soo quusteen.
Madaxweynuhu markuu Balligubadleh fadhiyey halgankii SNM, reer Balligubadleh biyaha way siinayeen sida uu qudbadiisa ku sheegay Mujaahid Maxamed Kaahin laakiinse markuu mindada daabkeeda qabtay isagu inuu harraad tiro wuu kala bakhaylay. Markuu olalaha doorashada ku jiray ee uu cod raadiska ahaa reer Balligubadleh codkoodii si mug leh ayey u siiyeen, immika oo uu kursiga ku fadhiistayna inay ceel biyood xaq u leeyihiin iyo inkale wuu garanwaayay.
Markuu madaxweynuhu duudsiyey xaqa ay reer Balligubadle u leeyihiin inay helaan ceel biyood oo aanu weliba isagu jeebkiisa ka bixinayn ee ay dowlado carbeed oo kale ummadda Somaliland ku sadaqeysteen, wuxuu ku gefay inuu ku dhaqmo dhaqankeenii fiicnaa ee ahaa qaybiye wuu qadaa oo isaga ayaa beeshiisa ka soo jari lahaa mid oo reer Balligubadle siin lahaa, wuxuu ku gefay inuu raaco Qaraarka Qaramada Midoobay ee sharciyenayay in karaamada bani aadamka ay ku jirto in qof kastaa uu helo biyo uu cabbo; wuxuu ku gefay amarkii Ilaahay ina amray ee ahaa: Haddii aad wax xukumaysaan si caddaalad ah wax ku xukuma.
Haddaba, haddii uu madaxweynuhu tii dhaqanka inoo ahayd uu raaciyey, oo Qaraarka Qaramada Midoobay ee Carriga Faranjiga ee uu wax ku soo bartay uu raaci waayey; oo tii Ilaahay (SWT) ina faray uu raaci waayey, muxuu markaa xeerinayaa?
Miyaanay markaas ku caddeyn madaxweynaha inuu yahay xaakim caddaalad darro ku sifoobay. Nin biyo kaa xisdiyey, waa nin nolosha kaa xisdiyey. Haddii uu madaxweynuhu Balligubadleh deeq biyo ah ka qadiyey, waxa kale ee lagu sugayaa waa maxay?
Ma rajaynayo inuu madaxweynuhu indhaha saaro maqaalkan, mana filayo in kuwa labada dhegood kaga marani ay gaadhsiinayaan nuxurka qoraalkan laakiin waxaan rajaynayaa in mid xaq-u-dirir ahi uu mar uun runta u sheego madaxweynuhu inuu ummadiisa oo dhan si caddaalad ah ku xukumo.
Jamal Madar London, United Kingdom
adammadar@yahoo.com
Comments are closed.