“Madaxweynuhu Beel Iyo Qofna Wax Ma Siin Karo, Ee Waxaa La Gudboon Inuu Cadaalad Ku Hoggaamiyo Umadda”

0
1186

Suldaan Aadan Faarax Cumar

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madaxda dhaqanka Somaliland, ayaa Madaxweynaha u soo jeediyey talo ah inuu mar walba ku dadaalo sinaanta iyo cadaalada umadda, uguna adeego sida daaacadnimo ku dheehan tahay.

Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xisbiyada ugu baaqay inay heshiis ka gaadhan arimaha ay isku hayeen ee ay ka mid tahay Doorashooyinka, waxaanu ugu horeyn uu yidhi“Nin walba Masuuliyad baa saaran, Somaliland adhi iyo geel nin u xaraysan  midna maaha, waa hanti qaran, oo umadda oo dhan ka dhexeysa, waa loo wada dhintay, in la wada dhaqdana weeye, Madaxweynuhu Beel iyo qofna wax ma siin karo, ee waxaa la gudboon, inuu cadaalad iyo sinaan ku hogaamiyo umadda, cabashadu ciidda ayey ka badnaaysay, qolo mabsuudina ma jirto, cid walibana wey cabanaysaa, balse Madaxweyne cadaalada iyo sinaanta mar walba ogow”.

Suldaan Aadan mar uu baaq u diraayey Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyadu waa magacuun, ee dalka dadka ayaa leh, ee in dadka dantooda la eego weeye, kuraasta barlamaankana  cid gaar ahi dhaxal umay yeelan, ee waa loo siman yahay, haddii ay Guurti tahay iyo haddii ay Wakiilo tahayba, kuraastooduna hantida qaranka ayey ka mid yihiin,inay Xisbiyadu ka heshiiyaan waxay isku hayaan ayaa haboon”

Suldaan Aadan mar uu ka hadlaayey kulankii ay Beesha Garxajis la yeelatay Madaxweynaha ayaa yidhi “Waxaan ku idhi ku soo dhawaada Caasimaddii Somaliland iyo Gobolka Maroodijeex, waxaana ku idhi Beelihi Barigii ayaad tihiin anaguna reer Maroodijeex ayaanu nahay, magaca Maroodijeex ayaana idinku soo dhaweeynayaa,waana idinka mahadnaqayaa sida aad Madaxweynaha u soo dhaweeyseen, Madaxweynuhuna anaga ayuu nala degan yahay, ee haddii aydaan soo dhaweeynin habaar iyo cadho ayuu nagula soo noqon lahaa,aad iyo aadna waan ugu faraxsan nahay sida uu Madaxweynuhu u soo dhaweeyeen, umadda reer Somaliland oo dhana sidaas ayey ku faraxsan tahay, deegaanka Hargeysa oo dhana Dawlad iyo Shacaba wey soo dhaweeynayaan, waxaana  ugu baaqayaa Shacabka nabadgalyada iyo gacmaha oo ay is qabsadaan, iyada oo ay walaalo yihiin ka Bari jooga iyo ka Galbeed guntii jooga, guud ahaana Wadanka ayaa inaga wada dhexeeya, Wadankuna waa Somaliland, Beesha Garxajisna waxay ka mid yihiin Beelaha Somaliland dega, Beesha Garxajis Somaliland wey u baahan tahay, iyaguna wey u baahan yihiin, Gobolkii walbana dad reer Somaliland baa la dega, walaaltinimada ayuun baa wanaagsan, nabada ayaa naas la nuugo leh”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here