Madaxweynihii Hore Daahir Rayaale Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Farriinta Kooban Ee Uu Bulshada U Diray

2
466

Picture3Hargeysa(Geeska)-Madaxweynahii hore ee Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay  dalka dib ugu soo laabtay,kadib muddo uu ku maqnaa dalka dibadiisa, gaar ahaan wadanka Faransiiska.

Md.Daahir Rayaale Kaahin, oo ay wehelisay xaaskiisa Marwo Huda Barkhad Aaden, ayaa ka cudur daartay inuu warbaahinta si furan ula hadlo balse waxa uu wargeyska Geeska Afrika oo kula kulmay markii uu ka soo degay madaarka Cigaal uu u sheegay in uu ku faraxsan yahay in dalka uu ku soo laabto isla markaasna uu shacbiga u diraayo salaan iyo ducaba,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa  “Waan ku faraxsanahay inaan dalka  imaado,shacbigana waan salaamayaa, waanan u ducaynayaa.” Sidaas ayuu Daahir Rayaale Kaahin u yidhi si kooban.

Lama oga in socdaalkiisu yahay mid iska caadi ah iyo mid ay qorshayaal kale weheliyaan, waxaana dhawr bilood ka hor soo baxay warar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu Daahir Rayaale Kaahin u fidiyay martiqaad si uu ugala tashado dhawr caqabadood oo dalka soo waajahay, kuwaas oo u badnaa dhinaca amniga, waxaanay wararkaasi soo baxeen horaantii sannadkan markii ay Ingiriiska iyo Maraykanku muwaadiniintooda uga digeen inay safaro ku yimaadaan Somaliland. Waxase xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsan qaar ka mid ah wasiiradii miisaanka lahaa ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, sida Cali Warancade oo wakhtigan ah wasiirka arrimaha gudaha iyo masuuliyiin kale oo badan.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu u muuqdaa hoggaamiye qaatay go’aan ka duwan mawqifkii uu Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilo jiray siyaasadihiisii hoggaamineed, wakhtigii uu ahaa hoggaamiyaha KULMIYE. Daahir Rayaale Kaahin, ayay dad badani u arkaan hoggaamiye go’aansaday inaan loo arag siyaasi mucaarad ah, waxaanu tan iyo wakhtigii uu xilka wareejiyay July 2010 uu wakhtigiisa badan ku qaatay dalka dibadiisa, waana markii labaad ee uu dalka ku soo laabto tan iyo wakhtigaas.

Comments are closed.