Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ayaa ka digay halista abaarta dalka ka taagan oo isa soo taraysa iyo olole uu waddo madaxweyne-xigeenka oo ah guddoomiyaha guddiga abaaraha.
Md. Faysal oo hadal ka jeediyay munaasibad ay shalay xilka kula kala wareegeen wasiirka cusub ee qorshaynta Maxamed Ibraahim (Qabo) iyo wasiirkii hore Cali Salaan Jirde, wuxuu kaloo soo jeediyay in la sameeyo qorshe qaran oo wax lagaga qabanayo macaluusha dalka ka jirta, isagoo soo jeediyay in la xoojiyo horumarka dalka.
Isagoo ka hadlaya abaarta iyo ololayaasha siyaasadeed ee socda wuxuu yidhi “Maanta abaar ayaa inagu dhacday, abaartuna way sii xumaanaysaa oo roob ma di’in, madaxweynuhu xaq ayuu u lahaa inuu tago, laakiin abaar soo eeg may ahayn ee olole ayay ahayd, 30 baabuur ayaa is raacay oo soo wareegay oo dabadeed waxa la mooday in abaartii dhammaatay, sheekadii abaartuba way dhammaatay.” ayuu yidhi Faysal oo intaas raaciyay, “Imika Borama, maxaa ka socda, madaxweyne-xigeenkii ahaa guddoomiyaha abaaraha ayaa Awdaleey ii soo baxa yidhi, isma qabato abaar ayaa na haysa iyo olole, waa wax laga xishoodo, waa in ololaha la joojiyaa. Adduunka xataa codkeenii inaan gaajoonayno muu gaadhin. Meel xun ayaynu maraynaa.”
Wuxuu Faysal soo jeediyay in qorshaha lagu daro bariga Gobalka Sanaag, isagoo wasaaradda qorshaynta u soo jeediyay inay qorshaha ku darsato bariga gobalka Sanaag.
Guddoomiye Fayal wuxuu ka digay qabyaaladda ka dhex aloosan xisbiyada, “Maanta tolaayeey ayaa soo dhacday.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.