Madaxweyne-xigeenka Oo Qaabilay Xubno Sweden Ka Yimid

0
805

Picture3Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa shalay qaabilay wefti la sheegay inuu ka socday wadanka Sweden oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee wadankaas.

Warsaxaafadeed uu kulankaas ka soo saaray afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, ayaa sidan u dhignaa “Madaxawayne ku xigeenka  Jamuuriyada Somaliland  ahna  ku simaha Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaciil (Saylici)  ayaaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay  wafti ka socda dalka Sweden oo uu hogaaminayo  gudoomiyaha Jaaliyada  Somaliland ee dalka Sweden  iyo xubno kale oo muhim ah.

 Waftigan  ayaa madaxwayne ku xigeenka uga waramay  hawlaha  ay ka shaqeeyaan  dalka Sweden ee ku saabsan  wacyigalinta Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan  Sweden  sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen  horumarka  dhinacyada  badan leh ee xukumada Jamuuriyada Somaliland ka wado dalka, waxaa kale oo intaasi ku daray in ay mar walba ku dadaalan  masuuliyiinta dalka sweden in ay xogo-dheeraad ah ka siiyaan  xaalada dalka, dad  faro badan  oo reer Sweden ah  oo ay halkan ku soo casuumeena ay wax wayn  kala qabteen  sidii dawlada Sweden  loo siin laha  xogo-dheeraad ah oo ku saabsan  qarankan Somaliland,  waxa kaloo halkaasi ka hadlay xubnihii kale ee waftigaasi ka mid ka ahaa.

 Madaxwayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland Cabdirxmaan Cabdilaahi Saylici  ayaa waftiga soo dhaweeyay kuna bogaadiyay  dadaaalkooda in ay halkaasi ka sii wadan  madaxwayne ku xigeenku  waxa uu xusay in dadka reer Somaliland  ee muwadiniintii meel kasta ha joogaane uu xil wayni ka saaran yahay in dalkooda dhismihiisa ay ka qayb qaataan kuna dadaalan sidii Jaaliyad walba wadanka ay la joogto  aya  ugaga warami lahayd  dalkooda halka uu marayo iyo dadkooda waxay qabsadeen.

 ugu danbayntii  waftigani waxay  sheegeen in ay hordhac u yihiin  wafti culus oo dawlada Sweden ka tirsan  oo bisha  September iman doona dalka.”