“Madaxweyne, Tabashadu Qaddo Ku Dhammaan Mayso Ee Qalinkaaga Ayay Ku Dhammaanaysaa”

1
2144

Cabdillaahi Geel-jire

Hargeysa(Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire ayaa madaxweynaha u soo jeediyay in wali laga sugaayo inuu talaabooyin qaado, waxaanu waxaan waxba kordhinayn ku tilmaamay kulamada madaxweynaha lala qaato haddii aan taloobooyin lagu saxaayo saami qaybsigeeda aan la qaadin.

Waxa uu sida oo kale siyaasi Geeljire ku tilmaamay shirka beesha Garxajis ay wada qaateen madaxweynaha mid wanaagsan se u baahan in dhabayn iyo talaabooyin uu madaxweynuu qaado, waxaanu sidan u sheegay tilifishanka Horyaal, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Dadka madaxweynaha la shaqeeya oo ka tirsan beesha ayaa ku dhaliyay inuu dadka soo dhaweeyay uu u mahadnaqo, in la kala shakiyo oo la yidhaahdo barnaamij ka duwan kii Gacanlibaax ayaa meesha ka socda, laakiin waxa meesha ku jiraa waa madaxweyne qaran aniguna dadkii ku talin jiray dadka u yeedh oo la hadal oo waxay tabanayaana dhagayso  oo soo dhawee, inuu madaxweynuu dhaqdhaqaaqiisa ku darsado inuu dadka umahadnaqo oo uu la kulmo oo waxay ka cabanayaan uu dhagaystaa anigu xumaan uma arko, shalayna xumaani kamay dhicin ee balamadii hore ee uu qaaday ayaa uu halkii looga gudbiyay, inuu daacad ka noqdo ayuunbaa muhiim ah oo aanu is odhan halagugu saro oo kale ama dad kale ku qanci oo dheh arintaasna waan dhameeyay, marka si wanaagsan loo wada hadlo cid kastaana ay daacad ka tahay waa wax dalkeena u soo kordhay.”

Cabdilaahi Geeljire oo hadalkiisa sii wataa waxa uu tilmaamay “Xumaani kama dhicin waxna ma kordhin oo cabashada iyo baahiduna waa halkeedii. Isaga uunbay wali ku xidhantahay inuu wax ka badalo qado la qadeeyo iyo kolba in laysku cawdo arintu ma taagna, sanadba isaga ayuunbaa la sugaayay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here