Madaxweyne Silanyo Oo Codsaday Inuu Kulan Xaasaasi Ah La Yeesho Gudomiyaha Midowga Afrika Iyo Wejiga Uu Ku Qaabili Doono Oo Ay Su’aali Ka Taagantahay

0
1970

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dalbaday inuu kulan la yeesho guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Mr. Jean Ping.New Picture (9)Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha kulankan, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrikau xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, uu dhawaan sarkaal ka tirsan Midowga Afrika ka codsaday inuu Mr. Jean Ping u gudbiyo codsiga Madaxweyne Siilaanyo uu ku doonayo inay kulmaan. Wasiir Maxamed, ayaa la sheegay inuu saraakiisha Midowga Afrika ka tirsan ee uu la kulmay uu u sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo guddoomiye Jean Ping kala hadli doono arrin xaasaasi ah oo aanu magac dhabin.

 

Warku wuxuu sheegay in guddoomiye Jean Ping markii hore ka dhego adaygay inuu qaabilo Madaxweyne Somaliland ka socda, laakiin uu aakhirkii ogolaaday. Lamana sheegin inuu aqbalay inuu ku qaabilo Madaxweyne Somaliland ah iyo inuu kula kulmo weji kale. Laakiin warar ku dhow dhow guddoomiye Jean Ping, ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Siilaanyo ku qaabili doono qaabka Madaxweyne dawlad goboleed ka tirsan Somaliya. Kulankan oo markii hore la qorsheeyay inuu qabsoomo 23-kii bishan Oktoober,  ayay Somaliland codsatay in dhammaadka bishan dib loogu riixo, markaas oo  la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo sii maro magaalada Addis Ababa oo uu kulanku ka dhici doono,  isagoo ku sii jeeda dalka Ingiriiska, lamana oga waxyaabaha soo kordhay ee uu Madaxweyne Siilaanyo kala hadli doono guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika oo keenay in kulankan ay Somaliland si adag u codsato.

Si kastaba ha ahaate maaha markii koowaad ee uu Madaxweyne Somaliland hoggaamiyaa la kulmo guddoomiye ururkaas Midowga Afrika hawlihiisa maamula. Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ayaa tiraba laba goor la kulmay guddoomiyihii masuulkan ka horeeyay Prof. Alpha Omer Kanore, waxaanay kulamadaasi sabab u noqdeen in wefti ka socday Midowga Afrika safar maalmo qaatay ku yimaadaan Somaliland iyagoo ka diyaariyay warbixin ku talisay in la aqoonsado madaxbanaanida Somaliland.  Waxase ay ku kala duwanyihiin,  in guddoomiye Jean Ping uu Alpha Omer Kanore aad ugaga aragti duwanyahay qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland, waxaanu isagu caan ku yahay hoos u dhigidda qadiyadda Somaliland, iyadoo la aaminsanyahay inay diidmadiisa Somaliland ka mid tahay sababaha warbixintii la diyaariyay xilligii Alpha Omer Kanore ee Somaliland ku saabsanayd looga hor istaagay in loo bandhigo gole madaxeedka ururka Midowga Afrika.