Madaxweyne Silaanyo Oo Qaabilay Xubno Ka Tirsan Qurbe-jooga Reer Awdal

0
523

Picture3Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisa Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay la kulmay qurbo jooga reer Awdal ee ku dhaqan waqooyiga ameerika.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, waxa uu madaxweynuhu qurbe joogta reer Awdal la yeeshay is waraysi. Warsaxaafadeedku wuxuu u qornaa sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, iyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Xafiiska Madaxweynaha kula kulmay Aqoon-yahanka iyo wax garadka gobolka Awdal ee degan waqooyiga maraykanka ayaa qoraal ay soo gaaadhsiiyeen madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka, waxay ugu hambalyeeyeen horumarka ay ka saameeyeen dhinac walba kuna talaabsadeen muddadii ay xilka qaranka hogaaminayeen.

Waxay sheegeen waxqabadkaasi inuu yahay mid dhab ahaan ugu hiilinaya hiigsiga qaran iyo ka midho dhalinta u jeedooyinka sii adkaynaya gaadhida yool dhamaystiran oo miisaanka qarankeenu bulshada caalamka ku leeyahay sii xoojinaya .

run ahaantii haddii aanu nahay aqoon yahanka iyo wax garadka gobolka awdal ee degan waqooyiga maraykanka, waxaanu si dhow ula soconaa talaabooyinka is daba jooga ah ee dhinaca horumarka u socda ee xukumad ahaan aad qaadeen, waxaanu aad ugu farax sanahay in horukacaasi uu Raad ku yeeshay siyaasada arrimaha dibada iyo tan gudahaba, waxaana xusid mudan isbadaladaasi in ay yihiin qaar taabtay bulshada reer Somaliland oo dhan, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin wadooyinka, waxbarashada, caafimaadka amniga gudaha arrimaha dibada, miisaaniyada iyo waliba qaar kaloo badani.

Waxaanay ku bogaadiyeen socdaalkii dheeraa ee xeebaha uu ku soo maray madaxawaynuhu kuna dhiiri gelinayay wax-qabadka adeegyada bulshada waa kuwo markhaati cad ka bixinaya sida aad ugu-dateen waajibaadkii iyo amaanadii ummada aad u hayseen. waxaana naga go’an in kaalintayada annagoo isku duuban aanu qaadano, idinkuna barbar istaagno dhisamaha qaranka iyo horumarintiisa, waanu idinku hambalyaynaynaa horumarka marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya kaasi oo muuqaalka uu bixinayaa ay noqonayso mid uu taageero qarankeenu kaga helayo bulshada caalamka, ayay ku soo gaba-gabeeyeen. Waxaana qoraalkan hambalyada ee aqoonyahanka reer Awdal ay u soo direen madaxwaynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland soo gaadhsiiyay oo wakiil ka ahaa Xaaji Ibraahim Muxumed Aaye iyo Xasan halas.”