Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilka Ka Qaaday Agaasimihii Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Mid Cusubna U Magacaabay

0
549

Picture7Hargeysa (Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha, isagoo u magacaabay masuul cusub. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, wuxuu madaxweynuhu xilkii ka qaaday agaasimihii hore Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne), waxaanu xilkaas u magacaabay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa. Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystirani wuxuu u dhignaa sidan: “MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL; Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

 Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

 Wuxuu go’aansaday

In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xil-ka Qaadis

Ku: Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne), Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha       

Og:     Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha                                           

Mudane, Waxa aan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.”