Madaxweyne Siilaanyo Oo Xildhibaanada Wakiilada Ee KULMIYE Kula Dardaarmay Inay Xisbiga Ku Garab Istaagaan Ololaha Doorashada

0
602

 

odayHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xildhibaanada golaha wakiilada ee xisbiga KULMIYE ku abtirsada, ugu baaqay inay wakhtiga doorashada goleyaasha deegaanka garab istaagaan xisbiga KULMIYE ee muxaafidka ah.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay kulan la yeeshay xildhibaanada KULMIYE iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE,  wuxuu kula dardaarmay inay deegaanadii laga soo doortay ka hawlgalaan wakhtiga ololaha doorashada maadaama oo ay ka tirsanyihiin xisbiga muxaafidka ahi ee KULMIYE.  Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo saxaafadda uga waramay ujeedada kulankaas, ayaa yidhi  “Kulan uu hoggaanka xisbiga kulmiye dalbaday ayuu ahaa oo uu doonayo in loogu diyaar garoobo tartanka goleyaasha deegaanada. KULMIYE waa xisbigii uu aasaasay  Madaxweynuhu ee laga doortay, markaas xaq ayuu u leeyahay inuu la shiro golaha dhexe iyo hoggaankaba.”

Geesta kale, Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu xildhibaanada u jeediyay ereyo dardaaran ah “Inagu xisbi ayaynu ahayn, xisbigii tartan ayuu kala qayb galayaa siddeed urur, markaas  maadaama oo xisbigii imika hoggaan gaar ah leeyahay, idinkuna tihiin xildhibanaadii, waxa loo baahanyahay inaad ololihiinii xoojisaan oo bilowdaan, ogaataana inaydaan mucaarad ahayn ee aad muxaafid tihiin, waa inaad ka shaqaysaan in doorashada iyo tartanku noqdo si nadiif ah.” Sidaas ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku yidhi xildhibaanada KULMIYE.

Kulankan ayaa qayb ka ah u diyaar garowga ololaha doorashada goleyaasha deegaanka oo uu xisbiga KULMIYE waajahayo siddeed urur siyaasadeed oo kale.