Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Iyo Saddex Qodob Oo La Cadeeyay Inay Xil Ka Qaadistiisa Sababeen

0
598

yuusufHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay xilkii ka qaaday guddoomiyihii maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali.

Warsaxaafadeed xalay niskii dambe ka soo baxay madaxtooyada, ayaa waxa lagu sheegay in Madaxweynuhu markii uu arkay inaanay wada shaqayn karin guddoomiyaha maxkamadda sare iyo guddiga cadaaladda islamarkaana uu arkay cabashooyin ay dadweynuhu ka muujiyeen guddoomiyaha maxkamadda sare uu go’aansaday inuu xilkii ka qaado.

Warsaxaafadeedka Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, laguna taxay saddex qodob oo Madaxweynaha ku kelifay xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare,  wuxuu u qornaa sidan:  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-3197/042015 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii buuxin lahaa gudoomiyenimada.

 Madaxweynuhu:-

 Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu;

Markuu Arkay:  Cabashooyinka is-dabajoogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;

Markuu Yaqiinsaday:        In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;

Wuxuu Go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Guddoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali.”