Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Magacaabay Wasiir Ku Xigeen Cusub Mid Kalana Bedelay

0
427
Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay goor dambe magacaabay wasiir ku xigeen cusub, halka 12-120x85wasiir ku xigeen kalana uu u bedelay wasaaradd cusub.
Madaxweynaha ayaa wasiir ku xigeen cusub u magacaabay wasaaradda arrimaha dibada, waxaanu xilkaas uu u dhiibay Axmed Aadan Ismaacil (Kayse), halka wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradaasna uu u magacaabay ku xigeenka wasaaradda xidhiidhka golayaasha, cilmi baadhista iyo Technology-da.
War-saxaafadeedka lagu magacaabay wasiir ku xigeenka cusub iyo ku xigeenka la bedelay ayaa lagu yidhi
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3392/062015, ku magacaabay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, isaga oo wasiir ku xigeenkii horena u bedelay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda.
Madaxweynuhu:-Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday:- In Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. Beddel (Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah)
Wuxuu go’aansaday; In Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland”