Madaxweyne Siilaanyo Oo U Socdaalay Imaaraadka Carabta

0
510

Picture5

Hargeysa(Geeska):-Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti balaadhan oo u hoggaaminaayo ayaa shalay safar ugu ambabaxay magaalada Abu-dubey dalka Immaaraadka Carabta.

Waxaana madaxweyne Siilaanyo safarkan ku wahelinaayey marwada Koowaad ee qaranka Somaliland, marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde,wasiirka wasaarada warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, wasiirka madaxtooyada  Xirsi Cali Xaaji Xasan, xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Cali Axmed Cali, wasiirka wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, Wasiirka W/Biyaha, Baashe Cali Jaamac,Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil.

Madaxweynaha  Somaliland Md.Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa u jeedka safarkiisan faah faahin ka bixiyey ka hor inta aanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee madaarka Hargeysa, waxaana uu sheegay in ay dalkaas u tegayaan sidii ay uga soo wada hadli lahaayeen mashaariic horumarineed oo ka dhaxeeya Labada dal sida oo kalena dan u ah ayaa uu yidhi guud ahaan dadka iyo dalka Somaliland.

"Waxaa aan maanta safar ugu baxaynaa dalka Abu-dubey, halkaas oo aanu kaga wada hadli doono mashaariic Labada dal ka dhaxeeya oo dani ugu jirto dadka iyo dalka Somaliland, waxaana aanu halkaas safar ku tegi doona in muddo ah insha Allah haddii Alleh idmana waxaa aanu halkaas joogi doona in muddo ah, waxaana aana Labada dal ay ka soo wada-hadli doonaan mashaariic ka dhaxaysa Labada dal oo muddo aan so wadnay.".Ayuu yidhi Md.Axmed Siilaanyo.