Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi Gaadhsiiyay Qoyska Raysalwasaarihii Itoobiya

0
540

 

garacoodhAddis Ababa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland, Mr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo wefdigii uu hogaaminayey ayaa  shalay galab qasrigii Raysal-wasaarahii hore Itoobiya, Meles Zenawi  ku booqday  ugana soo tacsiyadeeyey caruurtii iyo marwadiisii geeridii ku timi.

 

Wefdiga madaxweynaha Somaliland, oo gaadhay gelinkii danbe magaalada Caasimada Itoobiya, ayaa wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr, Maxamed Cabdillahi Cumar oo wargeysku wareysi la yeeshay, ayaa sheegay, “ Si weyn ayaa wefdigii madaxweynaha Somaliland hogaaminayey loogu soo dhoweeyey madaarka Addis Ababa, ka dibna, waxuu Madaxweynaha iyo wefdigiisu ku booqdeen qasrigii raysal-wasaarahii Hore Meles Zenawi, caruurtii iyo marwadiisa, ugana tacsiyadeeyeen geeridii, kuna saxeexay buugii tacsida oo halkaa yaalay,”

Dr, Maxamed Cabdillahi, oo la weydiiyey, in ka qeybgalka aaska, ka sokow, u qorshaysan tahay kulamo ay la yeeshaan masuuliyiinta caalamka ka imanaya, ayaa sheegay, “Inkastoo muhiimadooda safarka Itoobiya la xidhiidho ka qeybgalka aaska raysal-wasaarahii hore Itoobiya, oo xidhiidh wanaagsan Somaliland la lahaa, hadana, uga faa’iidaysan doonaan, muddada ay joogaan, la kulanka wufuud caalamka iyo kala xaajoodka qadiyada Somaliland dhinac walba, inta ay suurtowdo, wiigan gudahiisana ku soo laaban doonaan wefdiga madaxweynahu dalka.”

Wefdiga madaxweynaha Somaliland ayaa maanta kala qeybgeli doona madax kala duwan ee caalamka aaska raysal wasaarahii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi, oo lagu aasi doono barxada la yidhaahdo Mesquel Square.