Madaxweyne Siilaanyo Oo Socdaal Ku Tagay Dalka Itoobiya

0
650

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay safar ugu baxay dalka Itoobiya, isagoo hoggaaminaya wefti ka tirsan golihiisa xukuumadda.

1

Madaxweyne Siilaanyo oo ay sidoo kale weftigiisa ka mid yihiin guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxa uu afhayeenka madaxtooyada Xuseen Aadan Cige sheegay in madaxweynuhu dalkaas ku tagayo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay raysalwasaaraha dalka Itoobiya, islamarkaana uu kulan la yeelan doono raysalwasaaraha Itoobiya iyo xukuumadiisa oo ay wada falanqayn doonaan xidhiidhka Somaliland ee amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Afhayeenku wuxuu sheegay in weftiga madaxweynaha ay ka mid yihiin wasiirada arrimaha dibadda, , madaxtooyada waxaanu safarkani qaadan doonaa maalmo saddex ah.