Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay Shilkii Naxdinta leh ee ku yimi Boqollaal dhalinyarada reer Somaliland ka tirsanaa ee Doontii ay ka raaceen Xeebaha Masar kula dhacday Khamiistii Badda u dhaxaysa dalalka Masar, Talyaaniga iyo Giriigga, isla markaana waxa uu madaxwaynuhu soo jeediyay in la dedejin doono talo qaran oo laga yeesho dhibaatada tahriibta, isagoo ku tilmaamay dhallin yarada aayihii dalka ee laga dhursugayey inay gacanta ku qabtaan talada dalka burrito.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo soo gaadhay Geeska Afrika, kuna saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax), ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu shacbiga ka tacsiyadaynayaa masiibada ka dhacday badda u dhaxaysay Masar iyo Giriiga, masiibadaas oo la sheegay inay ku naf waayeen dad aad u tiro badan oo boqolaala. Madaxweynuhu waxa uu ku tilmaamay masiibadaa mid ku timid qaddarka Alle oo aan marnaba la oolin kareen, waxanu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan qoysaskii, qaraabadii, eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkii ku naf waayey, kuna halaagmay masiibadaa, gaar ahaan inta soomaalida ah, siiba inta u dhalatay Somaliland ee uu xilka gaarka ahi innaga saaran yahay. Madaxweynuhu waxa uu soo jeediyey in la dedejin doono talo qaran oo laga yeesho dhibaatada tahriibta, isagoo ku tilmaamay dhallin yarada aayihii dalka ee laga dhursugayey inay gacanta ku qabtaan talada dalka berrito, ilaalintooda iyo bedqabkooduna tahay waajib saaran kolba inta waaweyn ee masuulka ka ah iyaga iyo dalkaba. Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo dadka ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo”.