Madaxweyne Siilaanyo oo shan Agaasime Magacaabay iyo Maareeyaha Raashinka Ee WFP

0
557

 

laanyoHargeysa (Geeska). Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1158/062012, ku magacaabay shan agaasime guud.

Agaasima yaasha uu magacay madaxweynuhu ayaa ka hawli gali doona wasaaradaha kala ah:- wasaarada Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu magacaabay, Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, halka Maareeyihii Hore ee Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP, Mudane, Axmed Xasan Nuur uu xilkii ka qaaday Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka.

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP JSL.

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso.

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihin jagooyinkan;

Wuxuu go’aansaday

In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Awqaafta, Maaliyadda, Warfaafinta iyo Wacyigelinta iyo Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP.

Masuuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah:-

1 Faysal Cali Sheekh Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Agaasime Guud

2 Axmed Cumar Faahiye Wasaaradda Arrimaha Gudaha Agaasime Guud

3 Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Agaasime Guud

4 Saleebaan Jaamac Diiriye Wasaaradda Maaliyadda Agaasime Guud

5 Cabdirashiid Jibriil Yoonis Warfaafinta iyo Wacyigelinta Agaasime Guud

6 Mudane, Maxamed Daahir Axmed Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP Maareeye

Ujeedo: Xilka Qaadis:-

Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka ee WFP (Food Coordination Agency).

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Daahir Axmed, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL