Madaxweyne Siilaanyo Oo Shalay Guryahooda Ku Booqday Saddex Oday Oo Xanuun U Jiifa

0
529

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay guryahooda ku booqday saddex oday oo ka mid ah odayaasha reer Hargeysa oo u jiifa xanuuno haleelay.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyeen marwada koowaad marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, wasiirka maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Maareexaan) ayaa shalay booqday Maxamuud Dhool-dahable, Maxamed Cabdi Iskeerse  iyo Maxamed Cabdi Arabey oo guryahooda u jiifa xanuuno.

Madaxweynaha oo odayaasha u booqday mid mid ayaa Alle uga baryay inuu caafimaad taam ah siiyo, iyadoo ay odayaashuna madaxweynaha uga mahadceliyeen booqashada uu ugu tagay.