Madaxweyne Siilaanyo Oo Shalay Dalka Ku Soo Laabtay

0
653

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay dalka ku soo laabtay Madaxweyne Siilaanyo oo muddo saddex toddobaad ku siman ku maqnaa dalalka Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta.

1

Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyeen guddoomiyaha iyo murashaxa KULMIYE iyo wasiiro tiro badani, ma jiro wax hadal ah oo uu saxaafadda siiyay, sidoo kalena murashaxa KULMIYE ayaan isna saxaafadda la hadal.

Laakiin bedelkooda, waxa warbaahinta warbixin kooban siiyay wasiirka xanaanada xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir, oo ka waramay safarkaas Madaxweynuhu oo uu ahmiyadiisa ku tilmaamay socdaalkii dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiir Cukuse, waxa kale oo uu ka hadlay shirarkii xisbiga KULMIYE ku qabsaday dalka Ingiriiska oo uu tilmaamay inay ka xukuumad ahaan qancisay awoodda iyo isku duubnaanta xisbiga KULMIYE.

Wasiirka oo la weydiiyay sababta ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi saxaafadda ula hadli waayeen, wuxuu sheegay inuu isagu afkooda ku hadlayo islamarkaana uu ka wakiilyahay.