Madaxweyne Siilaanyo Oo Sagootiyay Xulalka Awdal Iyo Saaxil

0
435

Hargeysa(Geeska)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu shalay kulan sagootis ah la yeeshay xulalkii ku guulaystay koobabkii Gobolada dalka loo dhigay sanadkan oo ka koobnaa saddex koob kuwaasoo ay ku guulaysteen xulka gobolka Awdal oo qaaday laba koob oo kala ah Koobka kubbadda Cagta iyo Koobka Orodada, halka xulka Gobolka Saaxilna uu noqday horyaalka koobka kolayga ama baaskidka, halka ay koobka kubbadda cagtana ka noqdeen kaalinta labaad.

ssssssssss

Waxa hadalka furay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Somaliland, Mudane Cabdilaahi Faarax Maydhane waxaanu yidhi “Madaxweyne waa ciyaar yahanadii Awdal ee kubadda qaaday iyo kuwii orodada qaaday iyo kuwii baaskidka qaaday ee Saaxil oo kaaga mahadcelinaya martiqaadka sagootiska ah ee aad u samaysay xulalkaasi” 

Madaxweynahana waxa hadaladiisa ka mid ahaa “farxad weyn ayey ii tahay in aynu maanta halkan ku kulano, ciyaaruhuna aad ayey ahmiyad weyn ugu leeyihiin qarankan, tartanka ciyaaruhuna ahmiyd weyn weyn ayuu u leeyahay dhalinyarada iyo dalka iyo guud ahaan ciyaaraha kala duwani, annaguna dawlad ahaan waanu dhiirigelinaynaa, tiimamkii ku guulaystayna aad iyo aad ayaanu ugu hambalyeynaynaa ka xukuumad ahaan, sidoo kale kuwii laga adkaadayna waan hambalyeynaynaa, qaranka ayey muhiimad gaara u leeyihiin ciyaaruhu waana is dhexgalka bulshada, waxaana naga go’an in aanu sii wadno dhiirigelintaas waanad mahadsan tihiin tiimamkiina guulaystayna waxan leeyahay mar kale hambalyo hambalyo”. Waxaana sidaasi ku soo xidhmay kulankii madaxweynuhu la yeeshay ciyaar yahanada gobolada Awdal iyo Saaxil oo ay wehelinayaan maamulka wasaarada ciyaaruhu.