Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Gaar Ah Ku Tagaya Dalka Ingiriiska

0
499

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maanta safar ugu baxo dalka Ingiriiska. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Sida ay xogahani sheegeen safarka Madaxweyne Siilaanyo ayaa ah mid gaar ah oo aan ahayn mid shaqo, waxaana la sheegay inuu qaadan doono 3 toddobaad, waxaana wehelinaya xaaskiisa iyo xubno ka mid ah qoyskiisa. Waxaana la sheegay inaanay madaxweynaha safarkan ku wehelin doonin wasiiradiisa qaarkood, kuwaas oo iyaguna maanta safar ugu baxaya dalka Imaaraadka Carabta. Sidaas daraadeed waxa ay dadkan xogogaalka ahi socdaalkan ku macneeyeen mid gaar ah oo uu madaxweynuhu ku tagayo dalkaas Ingiriiska.