Madaxweyne Siilaanyo Oo Mar Kale Golihiisa Wasiirada Ku Amray Inaanay Gaadiidka Dawladda U Isticmaalin Ololaha Doorashada

0
1017

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Salaasadii shir aan caadi ahayn isugu yeedhay golihiisa wasiirada, kaas oo socday qiyaastii laba saacadood, waxaana shirkaas goob-joog ka ahaa guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Shirkan oo u muuqda inuu yahay kii u dambeeyay ee uu Madaxweyne Siilaanyo u qabto golihiisa wasiirada, ayaa u badnaa dardaaran iyo diyaar garow doorasho oo uu Madaxweyne Siilaanyo u jeediyay golihiisa. Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaas ka hadlay ayaa golaha kula dardaarmay in wasiiradu mudada ololuhu socdo muujiyaan dulqaad iyo degenaan kana shaqeeyaan nabadgelyada guud. Wasiirku, wuxuu golaha wasiirada u soo jeediyay inaanay mudada ololuhu socdo isticmaalin baabuurta dawladda ee ay ololaha ku galaan baabuur u gaar ah, maadaama oo baabuurta dawladu yihiin hanti umadda ka dhaxaysa, waxaanu soo jeediyay in la fuliyo amarkii madaxweynuhu uu ku mamnuucay isticmaalka hantida umadda.

Wasiirka hawlaha guud Cali-mareexaan oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in mucaaradka xisbiga Waddani magaalada ku ururiyaan dhallinyaro mashquuliyay hoteelada, kuwaas oo uu sheegay inuu Salaasadii ku arkay laba hotel oo uu doonayay inuu ka quraacdo, waxaanu wasiirada u soo jeediyay inay muujiyaan dedaal iyo hawlgal keeni kara in KULMIYE doorashada ku guulaysto.

Wasiirka qorshaynta Maxamed Ibraahim Qabo oo isna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in xisbiga KULMIYE ku guulaysan doono doorashada, maadaama oo sida uu ku dooday uu haysto kalsoonida shacabka.

Guddoomiyaa iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna wuxuu golaha wasiirada ujeediyay hadalo dardaaran ah iyo inay ka hawlgalaan deegaanadoodii.

Ugu dambayn wasiirka madaxtooyada ayaa golaha wasiirada ka dalbaday inay ololaha kaga qayb galaan deeganadii ay ka soo jeedeen, isagoo u balan qaaday in la siin doono kharash aanu cayimin balse uu ku tilmaamay ambo-bax.