Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Laba Safiir

0
492

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay magacaabay laba danjire oo kala ah danjiraha Somaliland ee Kenya iyo safiirka wareega ee Somaliland.

ddddddd

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Xuseen-deyr, ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3714/122015 ku magacaabay Danjireyaal cusub.

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dallalka dibeddu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya iyo wakiilka wareega ee Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu La-tashaday:        Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah.

 

Markuu ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

1. In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.

2. In Mudane, Raabi Cabdi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).”