Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta u socdaalaan wadamada Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Ireland. Madaxweyne Siilaanyo ayaa lugtiisa koowaad sii mari doona dalka Imaaraadka Carabta, isagoo horaanta bisha Oktoobar gaadhi doona wadanka Ireland oo la sheegay inuu ku leeyahay balan. Intaas wixii ka dambeeyana wuxuu muddo bil ku siman ku sugnaan doonaa dalka Ingiriiska, waxaana safarkiisa Ingiriiska ka soo baxaya warar kala duwan.
Geesta kale, socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay meel sare marayso xiisadda siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE. Shirweynaha uu Madaxweyne Silaanyo hoggaanka KULMIYE la qaatay in la qabto 10-ka bisha November, ayaa u muuqda inuu sii kordhiyay loolankii ka dhex taagnaa xisbiga KULMIYE. Dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa soo jeedinta Muuse Biixi ee shirweynaha ee uu Madaxweyne Siilaanyo ayiday u turjuntay in madaxweynaha iyo qoyskiisuba taageersanyihiin in Muuse Biixi noqdo musharaxa madaxweyne ee xisbiga u ordi doona doorashada dambe, taas ayaana sii kordhisay xiisadii iyo xamaasadii hore uga dhex taagnayd xisbiga gudihiisa.
Geesta kale, Madaxweyne Silaanyo ayay warar xogogaali sheegeen in marka uu ka soo noqdo safaradan uu si rasmi ah u cadayn doono inaanu doorashada dambe ahayn musharax Madaxweyne, taas ayaa iyana la filayaa inay sii xoojiso loolanka ka dhex taagan KULMIYE oo ay siyaasiyiinta ku bahoobay badankoodu doonayaan inay xisbiga ka dhex tartamaan marka uu Madaxweyne Siilaanyo baneeyo.