Madaxweyne Siilaanyo Oo Loogu Baaqay Inaanu Dalka U Horseedin Sharciga Kaynta

0
673

kayntawwHargeysa(Geeska)-Guddiga ilaalinta anshaxa doorashada ayaa Madaxweynaha Somaliland uga digay inuu dalku galo sharciga kaynta  oo uu macnaheedu yahay in nin waliba sharciga gacantiisa ku qaato.

Guddiga oo khamiistii shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay Madaxweynaha u direen digniin culus iyagoo ugu baaqay inuu talaabo ka qaado agaasimaha maamulka iyo lacagta ee hay’adda la dagaalanka AIDS-ka Cabdirkariim Axmed Xinif, oo ay sheegeen inuu Madaxweynaha isku halaynayo. Waxaanay masuulkaas ku eedeeyeen inuu isagoo shaqaale dawladeed ah u ololaynayo xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE. Guddoomiyaha guddigaas Prof. Axmed Maxamed Cadaad, oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Waxa ummadda reer Somaliland ay la yaabtay in aan shaqaale ah oo Xinif la yidhaahdo oo shaqaale caadiya ah oo haysta waaxdda maamulka iyo lacagta  guddida  la dagaalnka HIV ADIS-ka inuu si badheedh ah uga hor-yimid saddex xeer iyo wareegtaddii Madaxweynaha, waxa uu ka hor-yimid masuulkaasi si badheedh ah isaga oo weliba madaxda taagaya xeerka hab-dhaqanka doorashooyinka, waxa uu  si badheedh ah uga hor-yimid oo uu cadaystay xeerka Lr. 20 ee doorashooyinka waxa kale oo uu ka hor-yimid xeerka shaqaalaha dawladda iyo wareegtaddii Madaxweynuhu ku ayidayey xeerakaas oo dhan in aanay shaqaaluhu ka qayb-qaadan ololaha doorashadda.” 

Mr. Cadaad, isagoo Madaxweynaha la hadlaya wuxuu yidhi “Madaxweynaha warqad-baanu u qornay, anaga oo guddida anshaxa iyo ilaalinta habsaami u socodka doorashooyinka ah warqad-baanu ka diyaarinay gabood-falka uu wiilkaasi sameeyey, guddida  doorashooyinka Qarankaanu u dirnay iyaguna warqad lifaaq  ah ayey raaciyeen Madaxweynahay u direen nasiib-daro Madaxweynuhu kamuu soo jawaabin waana laga yaaba hawlahoo ku badan awgeed in aanu uga soo jawaabin, laakiin anaga waxa ay noogu qoran-tahay Madaxweynihii oo ka soo jawaabi waayey, waxaanu leenahay Madaxweynaha, Madaxweyne xeerarkan iyo sharciyadani waa sidii lagugu doortay, sidaa darteen waxaanu u qaadanaynaa guddida anshaxa iyo ilaalinta habsaami u socodka doorashooyinka haddii aad wiilkaas (agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka  guddida  la dagaalanka ADIS-ka Xinif) adiguu isku kaa haleeyey sharciga iskumu halayn hadday taasi socon-weydana dalku waxa uu  geli-doono sharciga kaymaha, sharciga Kayntuna waa kala dambayni ma jirto sida loo kala xoog-weyn yahay weeyaan. Madaxweyne arrintaas ka fiirso wiilkaas talaabo-cad ka qaad.”\

Baaqa guddigan ayaa soo jiitay indhaha iyo dhegaha rayul caamka Somaliland, xilli lagu jiro ololihii doorashada goleyaasha deegaanka. Hase yeeshe Mr. Cabdikariim Xinif oo waxyar ka dib markii ay guddigu shirkooda jaraa’id dhameeyeen isna saxaafadda la hadlay ayaa ku adkaystay inuu sharcigu u ogolaanayo inuu xisbiga KULMIIYE u ololeeyo. “ Mar haddii aan waayay xuquuqdaydii shaqaalenimo oo aanu xeerku i siinayn, xuquuqdayda  siyaasadeed cid waa siin kartaa  ma jirto , waxaana aan jecelahay  qoraal baan u qoray  waan u gudbiyay gacntay ku hayaan  ta u waangsana waxa weeyaan in ay qoraalka iiga so jawaabaan , mar hadday sidaas tahay oo ku celcelnayaan  oo ay hanjabaad gaadhay oo  xataa Madaxweynihii yidhaahdeen  in xeer deg-deg ah dalka lagu xukumo ayaanu cadeynaynaa  in aan sharci jirin ayaanu cadeynaynaa  iyaga yay u taalla Madaxweynuhu cidna xaquuqudiisa ka qaadi maayo  cidna xaquuq aanay lahayn siin maayo.” Ayuu yidhi Xinif, waxaanu intaas raaciyay .  “ Waxaan anigu u gudbinayaa dacwadayda Gar-yaqaanka guud   iyana Looyaradooda ha  diyaarsadaan  arrintan ka fursanmayso  in go’aan sharci laga soo saaro  oo aan shaqaale dawladeed oo joogto aan noqdo  aan KMG  noqdo  sidaas ayaa naloo kala saari.”