Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Safar Ugu Baxo Dalka Imaaraadka Carabta

0
525

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay socdaal ku tagaan dalka isu tagga Imaaraadka Carabta. Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay ilo xogogaala.

sssssssssssssss

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegayaa inuu dalkaas kulamo kula soo yeelan doono qaar ka mid ah madaxda Imaaraadka Carabta, waxaana la filayaa in madaxweynaha ay madaxda Imaaraadku kala hadli doonaan dekedda Berbera oo ay shirkadda DP World aad u xiisaynayso in maamulkeeda lagu wareejiyo si ay maalgashi ugu samayso.

Madaxweynaha, ayaa waxa kale oo laga yaabaa inay dawladda Imaaraadka Carabta ka wada hadlaan sii xoojinta xidhiidhka labada wadan.

Weftiga, madaxweynaha ayaa la filayaa inuu ka mid noqon doono wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiiro kale. Sidoo kale waxa Madaxweynaha safarkiisa ku wehelin doona wakiilka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta Baashe Cawil oo ah wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa lixdii sannadood ee uu talada hayay wuxuu safaro badan ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana mar kasta oo uu Madaxweynuhu ka soo laabto safarkaas uu saxaafadda u sheegaa inay dalkaas isku afgarteen sii xoojinta xidhiidhka iyo wax wada qabsiga labada wadan, haddana lama arko wax midho ah oo ka soo baxa wada hadaladaas.